Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Martiqaad Loo Madalay Xildhibaanadi Cusbaa Ee Beesha Leelkase

Sunday - August 19, 2012

Mogadisho: Waxaa shalay duhurnimadi rugta guriga General Saacid Daahir lagu madalay martiqaad ay ka soo wada qayb galeen shanti xubnood ee dhawaan loo magacaabay golaha shacabka, sido kale waxaa isla madashaas martiqaadka soo xaadiray odayaal dhaqameedka iyo siyaasiyiinta beesha.

Gogosha martiqaadka oo qorshe ahaan marki horaba looga dan lahaa in xildhibaanada waji ka fool-fool is bartaan gaar ahaan inti aan horay isu aqoon, isla markaana ujeedada weyn ee gogosha ay ahayd in la duceysto kadibna loo firto xaaladaha jira sidi diirka looga wada qaadi lahaa, lana isa siiyo hadalo dardaaran oo ujeedadiisu tahay nimanyahow digtoonaada, oo xilka laydin egmaday ha gudan-kariwaayina, yaana laydin saluugin. 

iyo talo jilbaha loo laabtay oo ku saleysan in la mideeyo danahooda kala gaarka ah, 

Goobta gogosha oo inti ka soo qayb gashay oo aan hadalka afkooda la qaban, ayaa Qof  walibana u hadlay sida ay isaga la ahayd waxaa hadalkii ugu horaanta qaatay siyaasi maxamed Cali Xaashi Maxamuud oo hadalkiisi ku bilaabay "bisinka iyo salaanta ilaahay ayuu ku bilaabay inu balo inaga hayo iyo baasba   sunne weeye salaantu, waana sawdka islaamka, waana sooryo gobeede, si wacan iga gudooma" salaantaas kadib waxuu hadalkiisi ku yir Walalayaal hadal waliba meeshi, maalin kasta oo ku soo marta waxay kaga tagta xasuus iyo taariikh gaar ah faraxd iyo murug mid uun ..sidaad la wada ogyahay Ugaaska iyo duubabka waxay beelweynta ka soo xusheen ragiina halkan caawa fadhiya, xulkaasna kuma imaan inaad dadka ka fiicantihiin amase aad wax dheertihiin, balse calafna meesha waa soo galay oo sida aan qabo duubabku iyagu wax idin ma siin balse Qaybiyaha kibista iyo Qalinkiisi carshiga horay Alle adoomihiisa ugu kala soocay ayaad ku timaadeen ..  walalayaal sideedaba si xun wax u sheeg sixir ka daran oo hadal-hayntiina waa go'i weydey kadib markii la idin magcaabay oo dad aan yareyn ayaa si Reereysan u talax tagay ,waxaana dhacday is-xajiimeyn iyo is-xasaradeyn oo hadal iyo hardiba ka dhamaadeen xumaan iyo wanaagba .. faalooyin badan ayaa la idin ka baxshay oo run iyo been waxay tahayba looma aabo yeelin, taasna waxay ku tuseysa in dad badani ay maanta ku fakarayaan waxaan umadaan dan u hayn ..  waxaanse leeyahay Ninki caro la sooyaama-yoow samirka maad dhawrid oo wixii alle keenay xikmada ku jirta isagaa oge aqbal.

Maxamed Cali ayaa hadalkiisi intaa sii raacshay oo yiri dan adaa ku nool ee iyadu kuguma noola, waxaad mooda iyadoon Dad isku kas ahayn iyo garaad-toona oony isku aragti iyo ujeedo-toona ahayn, oona isku dirir iyo dagaal -toona ahayn, ayey haddana wadaagaan danta guud ee isku xirka wadanoolaan-shahooda iyo wada dhalashadooda