Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Suuqa Kala iibsiga Codadka Xildhibaanada Mogdisha By Qalinkii C/laahi Jaamac( fogaanarag.com)

Wednesday - September 5, 2012

Doorashada Madaxweynaha oo ah waxa kaliya ee ka harsan dowladnimada rasmiga ah ayaa noqotey maalmahaan hadalheynta aanan marnaba maskaxda ka faaruqin, waxaana soo ifbaxaya Musharixiin badan oo ka tanaasulaya damacii ay ka lahaayeen kadib markii la hor dhigey sharuudo adag oo aysan ka gudbi karin dhamaantood marka laga reebo qaar, gaar ahaan saxiixa laga doonayo Musharax kasta in uu ka heysto labaatan xildhibaan oo raali ka ah Musharxnimadiisa ( balse waxaa jira warar sheegaya in hada la fududeeyey oo laga dhigey ilaa seddex xildhibaan)
 
Waxaana la aaminsan yahay in qodobkaan uu xariga ka jarey suuq cusub oo lagu kala iibsanaayo Saxiixa xidhibaanada, iyadoo lagu arkaayo wakiilada Musharixiinta oo horey iyo gadaal u dhex socda kal fadhiyada xildhibaanada.
Waxaa kaloo intaas u sii dheer lacagta diiwaan galinta 10,000 ka kun ee doolarka mareykanka ah oo qaar ka mid ah Musharixiinta aysanba heli karin isakaba daa in ay labaatan xildhibaan ka iibsadaan saxiixooda.
Saxiixa laga soo qaadanaayo xildhibaanada iyo lacagta isdiiwaan galinta ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay fursad u tahay gaar ka mid ah Musharixiinta halka badanka kuwa kalena ay ka saartey damacii ay qabeen.
 
Qaar ka mid ah Musharixiinta ayaa sheegey in qodabkaan uu fursad yahay masuuliyiinta dowlada xilka sii heyso ee Madaxweyne Shariif iyo Cabdiweli Gaas oo la la ogyahay in ay heystaan lacag waali ah oo ay ku kala furdaamin karaan iyo in fariin loo diro shaqsiyaadka sida ka fiirsi la,aanta ah isaga dhawaaqayo in ay yihiin musharixiin oo markii horeba ogaa in aysan ku soo baxeynin doorashada balse u arkaayey in ay tahay meel ay kala qabsan karaan dowlada rasmiga ah, dadkana ay isku barikaraan.
Musharixiinta kala ah Shariif Sheekh Axmed, Abdiweli Gaas ,Ing Cabdullahi Axmed Cadow, Maxamed Farmaajo, C/rahmaan Baadiyow iyo Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa si weyn ugu tartamaayo suuqa cusub ee lagu kala iibsanaayo codadka xildhimaanada, waxaana la leeyahay wax welwel ah kama qabaan in ay waayaan saxiixa xildhibaanada balse waxa ay rabaan in si joogta ah ay ula socdaan qiimaha suuqa kala iibsiga codadka si qiima ka badan midka ay joogaan aanan loogu sheegin xildhibaanada ay la heshiiyeen.
 
Wararka waxa ay sidoo kale sheegayaan in wakiilada Madaxweyne Shariif ay sicir barar xoogan galiyeen Suuqa kadib markii ay soo bandhigeen qiima ka badan qiima kastoo ay soo bandhigaan musharixiinta kale.
Shariif Sheeq Axmed ayaa la sheegayaa in uu ka cabsi qabo in si la mid ah qaabkii loo barabixiyey Shariif Xasan looga saaro Madaxtooyada oo in muda ah uu ka talinaayey , sidaas darteedna waxa uu wakiiladiisha u sheegey in ay bixiyaan qiima kasta oo ay ku gaari karaan guusha Doorashada.
Madaxweynaha oo ah hogaamiye ku wanaagsan la qabsiga siyaasadda isbedbdelka badan iyo sida loo soo jeedo dhinacayada uu u arko in ay ka caawin karaan guusha doorashada ayaa mar aanan sidaasi u fogeyn qarka u fuuley in uu lumiyo shacbiyada uu ku dhex leeyahay xildhibaanada cusub ee codkooda lagu kala baxaayo kadib markii looga baxey heshiisyo uu la galey Saxiixayaashii Roap-ka.

Hase ahaatee markii uu baraarugey ayaa waxa uu bilaawey in uu isugu waco raga lagu soo heshiiyey in la iska sooco si aysan u yeelan wax saameyn ah, waxaana uu u sheegey in ay u dhamaatey hadii aysan garab istaagin isagoo u balan qaadey in uu ka gudbinaayo caqabadihii ay hor dhigeen guddigii farsamadda ee kala shaandeeyey xildhibaanada, kadibna waxa ay ku balameen, waxkastey ku qaadataba aysan harsandoonin ilaa uu isaga xilka ku soo laabto.
Inkastoo uu ku guuleystey in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka hadana waxaa wali jira wax xoogaa isqabqabsi ah oo ku aadan dhinaca beelaha oo qaarkood badeley xubnahaas markii lagu soo celyey waxaana hada laga warsugayaa guddi ay baarlamaanka u saareen.
Amisom iyo Saameynteedda.
Waa wax iska muuqda in saameynta ugu weyn ee dhinaca Amaanka iyo soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta ay leeyihiin Ciidamada Amisom iyagoo waliba dhowaan ku soo kordhiyey ciidamo booliis ah oo sugaya amanka goobaha doorashada iyo madaxda ku soo baxdey iyo kuwa ku soo bixidoono doorashada Madaxweynaha.
Waana wax aanan wanaagsaneyn marka loo eego jiritaanka qadiyad daleed in Ciidamo ajanabi ah ay leeyihiin masuuliyada ugu sareysa ee amaanka iyo sida loo soo celinaayo, balse waxba ma ahan marka aan dib u milicsano fursadihii nala siiyey ee maamuladii kumeelgaarka ay naga soo qasaariyeen waayo waxaa nalaga caawiyey sameyntii dowladahaasi misana lagu yiri waa in aad dalkiina ku soo celisaan amaan iyo kala danbeyn si loogu qabto dooraasho guud oo aad ku dhisataan dowlad rasmi ah.
Markii ay ku fashilmeen in ay dalka iyo dadka ugu faa,ideeyaan caawinaada iyo fursada la siiyey xaaladana ay ka sii dareyso ayaa waxaa go,aan lagu gaarey in si toos ah loo fara galiyo gudaha iyo dibada ilaa maanta faraha lala galey meelkasto amaan iyo siyaasad intaba.
Gunnaanud iyo Tallo soo Jeedin.
Waxaan qabaa in aysan jirin maanta maalin ka wanaagsan oo soo martey Soomaaliya marka dib loo eego kumeelgaaradii dibada laga keeni jirey, waayo waxaa la joogaa waqti dagaal oogihii uu wax ka raadinaayo Maxkamada sare ee dalka halkii dowladihii kumeelgaarka ahaa isaga lagala tashan jirey cida xildhibaan noqoneyso, wasiirna laga dhigi jirey si uu u qaado isbaaradada wadada u tiiley.
Waxaa la joogaa waqti sharuudo dhinac aqoon iyo waayaragnimo maamul iyo sidoo kale ka dhowrsanaan danbi dagaal ku saleysan la dul dhigaayo qofkii raba in uu wax ka noqdo dalka, inkastoo wali ay jiraan rag ku jira Baarlamaanka oo aqoon ahaan aanan u qalmin ama lug ku leh musuq maasuq hanti qaran, hadana waxaa u bilowdey baaskooda hadii hada wax xoogaa naf ah ay ku danbeyso afar sano kadib doorashada midaan xigta waa laga taqalusindoonaa.
Waayo geedka jirida weyn hal mar lama saari karo waa in si tartiib tartiib ah loo soo saaraa, iyagana geedkaas ay la mid yihiin waxa ay ku xidideysteen hantida dalka marka waa in aan u sabaarnaa dhowrka sano ee soo socota iyagaaba iska quusandoonee.
Sidaas darteed waxaan ku talinaa in aanan la fiirin waxyaabaha yar yar ee sixida u baahan waa in aan fiirinaa heerka aan mareyno oo geddigeenba nooga baahan in aan garab istaagno si aan ugu danbeyn u xaqiijino Soomaaliya oo nabad ah, laguna kala baxaayo sharciga, waxna lagu noqonaayo aqoonta iyo rabitaanka shacabka.