Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Lacaga Laaluusha Oo Shiikh Shariif U Qaybiyey Xildhibaanada Cusub .. Xigasho By Axmed Gacal

Saturday - September 8, 2012

Waxaa ila Lagu Kalsoonyahay ay Xaqiijiyeen in Maalinimadii khamiistii Shiikh Shariif uu Lacago Laaluusha siiyey xildhibaanada Cusub ee Soomaaliya.    
Qiimaha Lacagaha Laaluushka ee Shiikh Shariif Bixiyay ayaa ahaa  5000 Dollarka Maraykanka ah Calaa Xildhibaan Xaga Labada  Xaas ee Shiikh Shariifna ay Xildhibaanada dumarka ah  ay Gudoonsiiyeen kun dollar Xildhibaanad kasta si ay Codkooda u siiyaan Musharaxa Madaxwaynaha Mudane Shiikh Shariif waloow lacagta tahay Sooryo.

Lacagahaas ayaa Waxay ka mid yihiin Lacago laga soo  Aruuriyay June 2012 Dalka kuwayd si Humanterian Aid ah, isla Markaasna Dawlada Kuwait ay u dhiibtay $10 Million humanitarian aid laakinse Shiikh Shariif uu dawlada u soo xareeyey  $2 Million oo Kali ah.

Shariif Sheekh Ahmed wuxuu boorsadiisa lacagta furayaa maanta oo Sabti ah,wuxuuna cod walba ku iibsan doonaa konton kun oo dollar. 
Waxaa kaloo jira lacag $2 Million oo bil kasta ka timaada dawlada Suudan Lagasoo Bilaabo  July 2011, laakinse Hal mar oo qur ah Hal milyan uu Madaxweynuhu bankiga Geeyay. 
 
Lacagta waxaa Sudan uu Madaxweyuhu siiyey account Dubai ku yaala oo ay maamulaan Cabaas oo ah Ganacsade Madaxweynaha in-adeerkiis ah Iyo Shiikheey oo ah Qunsulka Dawlada Shiikh Shariif u Fadhiya Magaalada Dubai.

Madaxweynuhu Wuxuu kale Magacaabay 40 degmo, Hal gobol & 31 Jeneraal 60kii maalmood ee Lasoo dhaafay isagoo cod kaga badalanaya xildhibaano Iyo beelo kala gadisan.

Waxaa Madaxwaynuhu u Bareeray inuu ku takri falo Hantida Qaranka isagoo u Adeegsanaya Danihiisa Shakhsiyadeed isla markaana ka Indha Saabanaya Abaarta & gaajada ay la Ildaran yihiin Shacabkii Soomaaliyeed.