Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Shacabka Somaaliyeed Oo Si Weyn Indhaha Ugu Haya Doorashada Beri Ee Madaxweynaha Somaliya

Sunday - September 9, 2012

Guud ahaan umadda Somaaliyeed waxay indhaha iyo dhegahaba ku hayaan Magaalada  Muqdisho oo ay ka dhacayso Maalinta isniinta ah doorashadii Madaxtinimo  ee dalka somaaliya teedii ugu horaysay ee ka dhacda dalka gudihiisa in ka badan 40-sano, Shacabka Somaaliyeed ayaa ka dhur sugaaya xildhibaanada cusub ee Somaaliya cid ay ku aamini donaan hogaanka dawlada Federalka ah ee Somaaliya.
 
Inta badan Shacabka Somaaliyeed waxay rajo wanaagsan ka muujinayaan inay Baarlamanka Federalka ah ee Somaaliya ay talada dalka ku aamini donaan hogaan ku sifoobey daacadnimo, Dhex-dehxaadna ka ah Siyaasada is-diidan ee dalka Somaaliya, sidoo kale shacabka Somaaliyeed waxay wel-wel xoogan ka muujinayaan inuu baarlamanku wax ku doorto laaluush iyo Nin Jeclaysi.
 
Dadka Somaaliyeed qaar badan oo ka mid ah waxay tilmaamayaan inuu durbaba baarlamanka cusub ee Somaaliya bilaabay qaadashada laalushka iyagoo si gooni gooni ah ula kulmaaya Musharaxiinta Madaxtinimo, Iyadoo taas laga tusaala qaadanayana aysan soo dooran doonin Hogaan dalka ka samatabixiya dhibaatadii uu soo dhex maquuranaayey 22-kii Sano ee ugu danbeeyey. 
 
Waxa la sugaaba waa maalinta isniinta ah oo ay dhici doonta doorashada waxayna maalintaasi noqon doonta taariikh baal dahaba ugasha baarlamanka Somaaliya ama ugasha baal madow sidii lagu yaqaanay baarlamanadii ka horeeyey.