Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Qaraxyo Lala Beegsaday Hotelka U KU Jiro Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud

Wednesday - September 12, 2012

Muqdisho -Kooxo Miidaamo ah ayaa laba qarax oo waaweyn maanta la beegsaday Hoteelka uu ka degan yahay Magaaladda Muqdisho Madaxweynaha cusub ee Baarlamaanku doraad doortay Xasan Sh Maxamud.
 
Khasaaraha soo gaaraya qaraxyadaasi ayaa sheegaya inay gaarayso dhimashadu 4 qof oo isugu jira Dad shicib ah iyo Askar AMISOM ah oo ka mid ahaa ilaalada madaxweynaha.
dhaawaca iyo khasaaraha kale ee soo gaaray gaadiidka yaalay barxada ay qaraxyadu ka dhaceen ayaan iyana ilaa hada tiro sugan aan laga haynin.
Qaraxyada ayaa la sheegay inay dhaceen wakhti Madaxweyne Xasan Sh Maxamud uu ku jiray Shir, halkaas oo laga maqlay qaraxa oo aan ka fogayn Hoteelka balse wax soo gaaray wufuudii uu Madaxweynuhu la shirayay ma jirto.
 
Ciidanka ilaaladda Madaxweynaha ayaa toogtay Kooxaha Miidaamadda ah ee qarxay oo doonayay inay beegsadaan goobta iyo Hotelka uu Madaxweynuhu ku jiray balse markii la toogtay ayay qaraxyadu bilaabmeen.
 
Si kasta ha ahaatee qaraxan ayaa noqonaya kii labaad ee dhaca tan iyo intii Madaxweynaha cusub la dortay. Iyadoo ay kooxda shabaab ku balanqaaday inay weeraro la beegsan doonto Goobtii shirku ka socday balse waxay u dhacday inay maanta oo ay yiraahdeen fursad aan la idinkaga digtoonayn baad haysataan ay bilaabeen.
Waxaana markii qaraxau dhacay kadib goobta Madaxweynuhu deganaa iyo Amaankiisaba la wareegay Ciidamadda Midawga Afrika ee AMISOM.