Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

B.Obama Oo Mar Labaad Helay Kalsoonidi Shacabka Ameerika Iyo Dadka Cunsuriyiinta Oo Ka Xumaaday Gu..

Wednesday - November 7, 2012

Washington - Doorashadii madaxnimada dalka Maraykanka ee 2012 ayaa xalay dib loogu doortay Madaxweyne Barack Obama.  Doorashada oo uu kala tartamay malqabeen xisbiga Jamhuuriga ah oo la yiraahdo Mitt Romney ayaa ahayd mid aad u kulul labada musharaxna codka guud ay aad isugu dhawaayeen hase yeeshee uu si hawl yar ugu guulaystay madaxweynuhu tirade codadka gobolada ee loo yaqaan ELECTORAL COLLEGE oo ku xiran in guusho raacdo murashaxa hela 270 cod oo ka mid ah 538 cod oo gobolada loo qaybiyo.
 
Guusha Obama waxa lagu dhawaaqay markii uu 11:18pm la sheegay inuu ku guulaystay Gobolka OHIO oo ahaa mid aad loo eegayey .. Gobolka Ohio oo ka mid ah gobolada ay Somalidu ku badan tahay ayaa had iyo jeer noqda gobol aad loo xiisiyo, gobolkaas oo ah gobol qiimaya had iyo jeer dadweynaha reer Maraykan waana gobol isugu jira beeralay, shaqaalaha warshadaha, magaalooyin waaweyn oo dhawr ah, had iyo jeer dhinaca codka Ohio raaco ayaa ku guulaysta doorashada.  Ilaa iyo 1940kii  lama arag Madaxweyne Jumhuuriya oo  la doorto isaga oon Ohio ku guulaysan.
 
Doorashadan ayaa ahayd tii ugu qaalisaneed abid iyada oo lagu qiyaasay inay ku baxday lacag gaadhaysa 6 billion oo doolar .. Arrintan oo aad looga xumaaday waxay ku timid markii maalqabeeno badan sida billionairarada Adelson iyo Koch Brothers ay lacag ku qarqeyeen sidii loo dooran lahaa Mitt Romney.  Lacagtaasi oo markii dambe Obama lafahaantiisa iska caabiyey oo isna lacag badan dadweynuhu ugu deeqeen.
Barack Obama oo 4 sanadood dib loo doortay waxa aad uga xumaaday dadka cunsiriyinta ah oon marna jecleen inuu nin madow mar kale madaweyne ka noqdo dalka maanta ugu dhaqaala wayn aduunka.