Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Bush Oo Codeynti ka Qaldantay Iyo Codkisi O U Obama Siiyey Iyo M/weyne Obama Oo Qosol Jantawaray

Thursday - November 8, 2012

Madaxweynihi hore ee dalka Mareykanka George W. Bush ayaa la sheegay abaaro 4-tii galabnimo isagoo waqtigaas ka codeynaayey degmada Croford oo aan kaba fogeyn guriga u dganyahay ee uu ku nool yahay gobolka texas waxaa ka dhacay arin cajiib leh .. madaxweyne Bush ayaa  markii loo dhiibay warqadi uu ku codeynaayey ee uu ula dhaqaaqay mid ka mida goobaha elektrooniga ah ee laga codeeyo waxuu si khaldan ugu codeeyey madxweynaha Obama isagoo ku jaahawareeray qaab cusub oo doorshadaani loo codeynaayey

Kadib markii u codkiisa gudbiyey ee uu Obama u codeeyey ayuu isagoo gcanta madxa ku haya waxuuu u soo dhaqaaqay goob ay hawl-wadeenada goobta Crowfod fadhiyeen waxuuna sheegay inu si khaldan Obama ugu codeeyey isla markaana u doonaayo in dib loogu soo celiyo waraaqdasi si u saxo, balse sida sharciga doorashada gobolka Texas dhigaayo haddi uu qofku codka dhiibto inaan dib loo soo celin karin ayaa loo sheegay inaaney taasi surtagal ahayn. 

Sida wargeyska Texas Chronic oo goobtaasi wariyaal ka tirsani ay joogeen uu ka waramayo muran qaatay saacdo ayaa dhex maray madaxweynaha Bush iyo hawl-dadeenadii goobta codeynta waxaana markii danbe soo dhex galay masuulkii ugu sareeyey gobolka Texas koomishinka doorashooyinka oo ku qanciyey madaxweyne Bush ineyan surtagal ahayn in codkiisa dib inta loo soo celiyo u mar labaad u codeyn-karo Romney.

Arintaan ayaa si weyn u soo jiidatay warbaahino gobolka Texas iyadoo ay ahayd waxyaabihi sahmiyey in gobolka Texas oo waligiiba xisbiga jamhuuriga u codeyn jiray u isku rogayo dhinaca dimuqraadiga.

Madaexweyne Obama oo loo sheegay arintaan kadib markii uu dhameeyey khudbadi uu xalay jeedinaayey ayaa qosol jaanta-waray.