Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Madaxweyne Xasan Qoslaaye Oo Habkii 4,5ka Ku Badalay Sero A Iyo Sero B-da

Friday - November 9, 2012

Faallo: Madaxweyne Xasan Qoslaaye oo habkii 4.5-ka ku bedelay habka Sero ”A” iyo Sero ”B”-da Iyo Dhagaraha U Qarsoon Ee Uu La Maaganyahay Qarankii Somaliyeed Oo In Laga Hortago U Baahan

Madaxweynaha cusubi wuxu horey u sheegay inuuna xiiso weyn u haynin midnimada Soomaaliyeed imikana fikirkiisii ayuu ficil u rogay


Madaxweynaha Cusub 

Waagii baryaaba waayihiisa, Layaab maleh haddaad maqasho wax dhagahaaga ku cusub, waxaase la yaab leh in si sahal ah aad u liqdo wax aan laaqi ahayn.  Layaab ma leh in madaxda soomaalidu wax aan nidaam dowladeed aheyn kaaga sheekeeyaan, laakiin waxaa la yaab leh in aad sidii howtulhamagga iska daba-gasho.

Sanadkii 1999-2000 dawladii Cabdiqaasim Salaad ee lagu soo dhisay Jibuuti waxa lagu soo ikhtiraacay qaaciido aan la mahadin oo uu allifay Madaxeynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle. Qaaciidadaas oo ahayd mid ku dhisan habka kala sareynta beelaha Soomaaliyeed Ee u siman wadankooda iyo maamulkiisa.

Habkan kala sareynta ama afarta beelood iyo barka ah waxa laga dhaxlay 12 sano oo tiih iyo talo xumo ah. Waxay umadda Somaliyeed ee wada jirka iyo wanaaga jeceli ka muujiyeen dareen taban. Waxa laga galay doodo faro-badan, waxa laga tiriyay gabayo iyo geeraaro, cid qorshihii  Ina Cumar geelle u qushuucday ma jirin, marka laga reebo isaga iyo beeshiisa oo sad-bursiimo ku helay.

Madaxweynaha cusub Ee Soomaliya Xasan Qoslaaye Iyo R/wasaarihiisa Shardoon waxay la yimideen qorshe cusub oo kasii cawaaqib xun kii Ina Cumar Geelee, oo aan la mahadin doonin. Qorshaha cusub ee madaxweynaha Somaliya waa Seef labo af leh, dhankii loo dhigaba waa mid halis ku ah qarannimada.

Waa ta koowaade,  waxay caqabad ku noqonaysaa taabbo galka iyo talaabada dawlada cusub, waayo beelaha Soomaaliyeed kuma wada qanacsana habka uu shaxda golaha wasiirada usoo dhigay iyo hanaanka cusub ee u qaatay oo wixii oo dhan u ka dhigay serio ”A” iyo serio ”B”-da ah Ee uu ku bedelay habkii hore ee 4.5 ahaa.

Waa ta labaade, dawlada cusubi waa mid dhinac ka raran oo halis galinaysa midnimadii Soomaliya, kor iyo hoosba waa dawlad ujeedo khaasa laga leyahay . Qaabka loo dhisay xukuumadaani Maaha qaab Soomaalidu ku qanceyso. Waayo  Soomaalidu wax ay joogtaa xilligii dib u heshiisinta, si taa loo gaarana waxay aheyd in Soomaalida qaabka ay hay’adeheega kale ee dawliga ahiba  ku dhisanyihiin wax loogu qeybiyo.

Qorshaha Madaxweynaha saaxadda siyaasadda ku cusubi la yimid waa mid khatar u keeni karta umadda Soomaaliyeed hadii aan deg deg looga hortagin.

Madaxweynaha cusubi wuxu horey u sheegay inuuna xiiso weyn u haynin midnimada Soomaaliyeed imikana fikirkiisii ayuu ficil u rogay.

Qofkii la socday sidii ay wax u dhacayeen maalmihii ugu dambeeyay khaasatan waqtiga ku baxay magacaabista R/wasaaraha ama wasiirada, rajadu waa halkeeda laakiin qof walbaa oo inaga mid ah mucaarad & muxaafad shaki waa galay. Shakigii ugu weynaa maantuu na heystaa markii sagaal wasiir oo koonfur ah iyo hal wasiir oo badh koonfur ah naloo keenay. Haddii la is weydiiyo waxa loola jeedo sagaalkan wasiir iyo wasiiradda badh-koonfurka ah qofba jawaab ayuu ka bixin lahaa sida haddaba dhacday.

Dadka somaliyeed wali waxay isweydiinayaan su’aalo badan oo aan jawaab loo helin, balse ku haboon in madaxweynaha iyo raysulwasaaraha la horkeeno barnaamujka “Qanci Dadkaaga “ si shicibka ay uga qanciyaan ujeedada ay ka leeyihiin dawladdan dhinaca ka raran.

Madaxweynuhu ma wuxu sallaxayaa jawi saamaxaya kala goynta dalka Somaliya mise wuxu wadaa mid isku keenis ah oo waxan nidhaahnaa Hay’adaha dawlada ee aan la magacaabin wuxu u reebay Somaliland.

Imika Wasaaradaha Wadanka kala badhbaa maqan, badhka maqan, waxa jira wasaarado muhiim ah oo aan la hoos gayn karin xafiisyo kale ama wasaarado kale sida Caafimaadka iyo Waxbarashada IWM. Waxa jirta wasaarad kale oo loo baahanyahay maadaama uu dalku Federaal qaatay, waa wasaarada Arimaha Federaalka.

Iyadoo intaasoo wasaaradood baylahsanyihiin Beelo waaweyn oo Soomaliyeedna ay saaxadda siyaasadda Soomaliya laga hagayo ka maqanyihiin maxaa madaxweynaha ku kallifay inuu Raysulwasaarihiisa ku amro toban wasiir.

Maxaa keenay inuu beelaha Soomaaliyeed ee tan iyo markuu qaranka Somaliya dhashay aan marna qadin talada dalka,  inuu maanta iyagoo 22 sano dawlad rasmi ah sugayay ka qadiyo golaha wasiirada, Xaalku sow ma ahan ”Timir lafbaa ku jirta”

Isku soo wada duuboo qorshaha madaxweynaha soomaliya waa mid cad, wuxu weysada u biyaystay in dalkan la kala gooyo, dadka soomalinimada midnimaysan jecelna uu nacsiiyo.

Hore ma u maqashay dowlad soomaaliyeed oo Toban wasiir ka kooban?

Hore ma u maqashay meel wasaaradaha caafimaadka & waxbarashada lagu daboolayo oo wasaarad aan la aqoon meelay dunida ka jirto lagu dhex qarinayo?

Macquul ma kula tahay Shanta gobol ee waqooyiga Somaliya oo hal wasiir oo waliba wasiirku badh-koonfur yahay la siiyay.

Arimahan iyo kuwa kale oo badan iyo barnaamujkii madaxweynuhu masraxa la yimid marka la isku geeyo waxa kasoo baxaya maxsuul qorshaysan iyo dhagara qarsoon oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo xulufadiisu la maaganyihiin qarankii Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo R/wasaarihiisu waxay  ku takri faleen awooddii gacanta  loo galiyay Soomaalida dareenkeeda kuma aysan sahqeynin. Baarlamaanka Soomaaliyeed waa hay’addii dhashay madaxweynaha waxa looga fadhiyaa inay ka hortagaan dulmiga ay sameeyeen labadaan masuul si shacabka ay matalayaan doonitaankoodu u uhirgasho.

Xasan qoslaaye wuxu umadda Soomaaliyeed usoo jiidayaa afar sano oo kale oo khasaare ah oo ku dhamaada muran, is jiid jiid, calool-xumo  iyo dibu dhac sii baaha. Ugu damabaynta wuxuu ka degi doonaa kursiga isaga oo dulaysan oo la karahsaday, sidii kuwii ka horeeyay.

Harowo Desk

.