Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Banaan-baxyo Is daba-Joog Ah Oo Lagu Diidanyahay Faragalinta U Ku Hayo M/weyne Xasan Qoslaaye J/Hoos

Saturday - November 10, 2012

Banaan-bax ballaadhan oo lagu diidanyahay Dawlada uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Qoslaaye oo ka socda gobolada Jubooyinka Magaalooyinka Afmadoow, Dhoobleey, Badhaadhe, Ras-Kaambooni iyo meelo kale ayaa waxaa maanta ruxey banaanbaxyo lagu diidanyahay farogalinta dowladda Dhexe ee Soomaaliya ay ku heeyso arrimaha maamul u samaynta Jubbooyinka.

Siyaad Boojis waa gudoomiyaha degmada Dhoobleey, isagoo khadka taleefoonka warbaahinta ugu waramay waxa uu sheegey in 10 kun oo qof ay isugu soo baxeen fagaaro magaalada ku yaala, iyagoo dalbanayay in dowladda ay dhowrto dastuurka qaranka oo sheegaya aayo ka tashiga dadka deegaan kasta oo Soomaaliyeed.

Nin oday dhaqameed ah oo isagana aan Dhoobleey kala hadalnay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweynaha ddka reer Baladweyne uu ku yiraahdo aayahiina ka tashada, kuwa Jubbooyinka is hortaago.