Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dooda Shacabka: M/weyne Xasan Qoslaaye Oo Beelihi Somaali U Kala Qaybiyey Groub "A" Iyo "B" Iyo Xu..

Saturday - November 10, 2012

Mogadisho: Dadka dhegahoodu marka ay maqlaan kalmadda Federaal waxay sawiranayaan dawlad dhexe oo sal-balaaran oo ka turjunta dhamaan gobolada dalkaasi ka koobanyahay.

Dalka somaliya dawlad ahaan iyo dal ahaanba wuu bur-buray, Wuxu muddo 22 sano ah u jiray magac ahaan laakiin martabo ahaan iyo meeqaam ahaan wuu baaba’ay, Wuxu ahaa dhiig ku dul daatay khariidada adduunka.

Dalka soomaliya waxa burburiyay dalal shisheeye oo adeeegsaday danaystayaal khaayimiin ah. Mudadaa dheer ee dalku baaba’sanaa dadka Soomaliyeed ee wadaniyiinta ahi marna ma quusanin ee rajay qabeen, laakiin waxay ka tallaabsan waayeen dalalkii marka horaba wadankooda burburiyay oo aan doonayn in Soomaliya ay dib u noolaato, dawladii lasoo dhisaba waa la fashilinayay iyadoo loo adeegsanayo kooxo iyo shakhsiyaad bur-burka iyo kala daadsanaanta soomaliya ku macaasha.

Soomaliya looguma talo-galin inay xabaasha lagu riday kasoo baxdo, Balse wax aanay dalalkii tooska u burburiyay iyo kuwii ku raacsanaaba ku talo-galin ayaa kaga soo baxay. Waxa kaga soo baxay kooxo khatar ku noqday danahoodii, waa kuwa ay ugu yeereen Arga-gixiso iyo Bur-cad badeed oo labaduba ah mirihii ay beereen reer galbeedka iyo dalalka dariska nala ah.
Xaajadu waxay ku noqotay labo daran mid dooro, Soomaaliya oo soo noolaata iyo kooxahan oo sii jira. Waxay doorteen dawlad Soomaaliyeed. Shaki kuma jiro in Kooxahani salaaxeen adduunyada isla markaana soo dedejiyeen xalka Soomaaliya .. Waa dhab marbaa sunta lafteedu dawo kuu noqotaa.

22 sano kadib waxa maanta suurto-gashay in Calankii Somaliya ee dhulka ku dhacay kor loo qaado, oo magacii iyo meeqaamkii qarannimo dadka soomaliyeed dib ula soo noqdaan, kadib markii laga yareeyay faro-galintii shisheeyuhu ku hayay, labadaa kooxood dartood.

Aan usoo noqonno mawduuceena aan cinwaanka uga dhignay Beelihii Soomaaliyeed oo loo kala saaray Gurbo "A" iyo Groub "B" Iyo Xukuumadii Ugu Bakheylsanayd Ee abid Soo marta Soomaaliya. Cinwaankeenu sharaxaad badan uma baahna waxa kaliya ee aan qoraalkan uga danleenahay waxa weeye inaan bulshada Soomaaliyeed la qeybsanno doodaha faraha badan ee ka dhashay dawlada cusub ee federaalka ah ee lasoo dhisay iyo sawirkeeda.

Dadka Soomaaliyeed waxay isweydiinayaan su’aalo badan oo ay ka midyihin

Maadama dalka Soomaliya yahay dal muddo dheer burbursanaa oo barkini u taalay waxa uu la bukaana yahay qabiil, yeeshay maamul goboleedyo, yeeshay kuwo yiri waan go’aynaa IWM,  sideebay dawlad dhexe oo waliba federaal sheeganaysa oo 10 wasiir ka koobani u qancin kartaa dadka Soomaaliyeed ee qarannimadu qariibka ku tahay min-qiyaaskooduna ama wax ku qiyaasta aragtida qabiilka”.
Dadku marka ay maqlaan kalmadda Federaal waxay sawiranayaan dawlad dhexe oo sal-balaaran oo ka turjunta dhamaan gobolada dalkaasi ka koobanyahay, Iyagoo filayay in ay xukuumada dhexe ee Federaalka iska wada dhex arki doonaan, maadaama Ay dadka Soomaaliyeed kala baadiyoobeen oo markii dawladoodii burburtay nin waliba degmadiisii yarayd ootay.  Kuwaa in la isku furo oo federaalku wada gaaro ayaa la filayay.

Balse filashadaasi waxay noqotay mid fool habowday, awoodii dalkuna waxay gacanta u gashay koox samada ku faruur-xiran oo meel ay ka timid iyo meel ay u socoto aan wali faalku sheegin.

Xukuumada federaalka ee Xasan Sheekh Maxamuud uu madaxweynaha ka yahay waxay noqotay xukuumadii ugu bakheylsanayd beelihii Soomaliyana waxay u kala saartay kuwa leh maratabada "A" iyo Kuwa leh darajada "B"

Beelaha “A” waa beelah wasiirada la siiyay .. “B”-duna waa Wasiir kuxigeenada iyo Agaasimayaasha.