Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Qalad Iyo Xisaab Xumo Mitt Romney Oo Diyaarsaday Khudbadi Guusha Oo Ka Kooban 1118Kelmadood

Sunday - November 11, 2012

Washington- Murashaxii xisbiga jamhuuriga dalka Maraykanka Mitt Romney ee uu dhowaan doorashada ka helay madaxweyne Obama ayaa la sheegay in xilligii doorashada aanu marnaba shaki kaga jirin in uu ku guulaysanayo xilka madaxweynenimo ee uu kula tartamayey Barak Obama. Arrintan oo ay dadka arrimaha siyaasadda falanqeeyaa ku tilmaameen qalad iyo xisaab xumo siyaasi ah oo aan looga baahnayn nin kursi sidan u mudan ku hammiyaya.
 
Mitt Romney ayaa maalintii salaasada ee ay doorashadu dhacaysay waxa uu si kalsooni leh taageerayaashiisa ugu sheegay inuu caqli ahaan iyo niyad ahaanba ku qanacsan yahay in uu isagu ku guulaysanayo tartanka madaxtinimada, waxa aanu si yaab leh dadka ugu caddeeyey in uu xataa sii diyaarsaday khudbaddii guusha oo uu sheegay in ay ka kooban tahay 1118 (Kun boqol iyo siddeed iyo toban) kelmadood.
 
Sida muuqata Romney waxa uu ku dagmay kalsooni ka badbadis ah oo ay siiyeen dadka uga masuulka ahaa ol’olaha doorashada, isaga oo xogtaa ay siiyeen ka duulaya ayaanu ku adkaystay in uu aaminsan yahay kalsoonida ay siiyeen dadka ol’olihiisa uga masuulka ah oo muddo toddobaadyo ah ugu celcelinayey in guushu iyaga la jirto, iyaga oo og in rayi ururinta xarumaha kala duwani samaynayaan ay muujinayaan in Romney ay ku adag tahay in uu guul ka gaaro gobollada kala saara guusha iyo guul darrada tartanka.
 
Romney oo warbaahinta la hadlayey ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Fikir ahaan waxa aan qabaa in aanu guulaysan doonno, muddana dareenkaa guusha waan qabay” Romney oo si aanay soo dhoweyn dadka ku xeel dheer arrimaha siyaasaddu u hadlayey waxa uu intaas ku sii daray, “Waan dhamaystiray qoraalka khudbaddaydii guusha, waxa ay ka kooban tahay 1118 erey… kollayse waxbaa iska bed-beddeli doonaan qoraalkaygan waayo weli maan tusin qoyskayga, saaxiibbaday iyo la taliyeyaashayda si aan u ogaado aragtida ay ka bixinayaan”
 
Dad badan ayaa ku doodaya in ay ceeb ku tahay ruug caddaa muddadaa dheer ku soo jiray arrimaha siyaasadda iyo maamulku in uu ugu yaraan walwal ka qabi waayo guusha uu ka gaari karo meelaha warbaahinta iyo xarumaha rayi ururintu isku raaceen in ay ku adag tahay guusheedu. Waxaa la aaminsan yahay in guddida ol’olaha u qaabilsanayd Romney ay qayb libaax ku lahayd qaladka dhacay ee ahaa in ay buunbuuniyeen ku qanacsanaantooda guusha, arrintaas oo mar kasta siyaasiga murashaxa ah halis ku ah sumcad ahaan iyo xataa caafimaad ahaan labadaba. Sida uu u hadlayey Romney mar la weydiiyey kalsoonida uu ku qabo guusha ay guddidiisa ol’oluhu ku andacoonayaan ayaa ku filnayd in la fahmo sida xisaabtu uga qaldantay Romney, "Aad ayaan u faraxsanahay, dadaal weyn in aan u galnay ayaan aaminsanahay, illaa dhammaadkana waanu dagaallannay, waana sababta aan u aaminsanahay in aanu guulaysanayno" ayaa ka mid ahaa hadallada Romney.
inta aan laga hadal guusha Obama iyo Romney waxaa muhiim ah in la qiro guusha guddida ol’olaha Obama kaga gacan sarraysay guddida Romney la shaqaynaysay, ugu yaraanna waxaa xusid mudan buun buunin la’aanta guddida Obama ee kalliftay in xataa madaxweyne Obama mar keliya ku dhici waayo in uu muujiyo kalsooni ah inuu si buuxda isagu u gacan sarraynayo.