Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Wafdigi IGAD Ee Maamul U Sameynta J/Land Oo M/tooyada Loo Diiday Iyo M/weynaha Oo Ku Hawlan Inu ....

Monday - November 12, 2012

 Muqidisho – Shalay magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray wafdi ka socday Urur Goboleedka IGAD oo isugu jira Soomaali iyo Shisheeye , waxaana wafdiga uu ahaa Kuwa ku mahsquulsan Maamul u sameynta Jubooyinka.

Wafdiga marki hore waxaa loo sheegay in madaxweynaha aysan la kulmi doonin , waxaana lagu wargaliyay kooxda Muqdisho soo gaartay inay isaga baxaan magaalada oo aan loo fasixi doonin la kulanka madaxweynaha .

Gudiga waxaa ay ahaayeen Soomaali iyo IGAD , waxaana madaxweynaha uu qaabilay wafdigii Soomaalida ahaa , isagoo Xubnihii IGAD ka socday loo diiday inay galaan xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xogheyntiisa u sheegay inan loo soo fasixin madaxtooyada Xubnaha IGAD ka socda , wuxuuna dalbaday inuu la kulmayo kuwa Soomaalida ah , iyadoo loo ogolaaday Soomaalida inay galaan aqalka madaxtooyada Soomaaliya.
Hadaba wafdigii Soomaalida iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan dheer qaatay , waxaana ay ku falanqeeyeen maamul u sameynta Jubooyinka iyo Kisimaayo.

Saraakiisha gudiga farsamada ka socotay ee madaxtooyada tagtay ayaa waxaa kamid ahaa dhawr xubnood oo reer kisimaayo ah, waxaana madaxweynaha uu ka waraystay sida ay wax u doonayana.

Gudiga farsamada ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin howsha ay IGAD hormuudka ka tahay ee maamulka loogu samaynayo Jubooyinka dowlana ay kaalinteeda ka qaadato.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u sheegay wafdiga in waxa ay wataan ay tahay mid aan suuragal ahayn , isagoo ku adkeystay in maamul u sameynta Jubooyinka iyo Kismaayo ay xaq u leedahay Dowlada Soomaaliya iyo shacabka ka soo jeeda halkaasi, waxuuna halkaas ku xusay in qabaaiilka reer kisimaayo qaarkood aysan ku qanacsaneyn shaqada halkaas ay ka wado IGAD, hasa ahaate wafdiga ayaa su'aal ku celiyey oo yiri waa qabiilkee kuwa aan ku qanacsaneyn dhismaha maamulkaas, laakiin madaxweyne Xasan Qoslaaye carabka kuma dhufan ciida ka cabatay hawshaas IGAD wado
Xasan Sh Maxamuud ayaa la soo sheegayaa in uu af cad ugu sheegay Wafdiga inuusan aqbali doonin Maamul uusan isaga soo dhisin, wuxuuna warbixinadii ay wateen uu dib ugu celiyay wafdiga kulanka la qaatay.

Madaxweynaha oo ka duulaya su’aalahaa iyo kuwa kale ayaa wafdiga IGAD maanta ku hilmaamay qolka sugitaanka , isagoo ka dalbaday inaysan imaan xafiiskiisa.
 
Dhinaca kale Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ku howllan qaabkii uu arinta Kismaayo ee faraha ka baxday u xasilin lahaa iyada oo aysan dhicin wax rabshad ah.

Kadib markii dowlada Kenya oo ciidamo badan Soomaaliya ay ka joogaan, gaar ahaan Magaalada Kismaayo iyo hareereheeda ay si aan gabasho laheyn u muujisay taageeradeeda maleeshiyada Raaskanbooni, waftigii madaxweynuhu direyna loogu diiday ayaa madaxweyne Xassan Sheekh Waxa uu la tashiyo la  bilaabay lataliyaashiisa xagga amaanka iyo siyaasada iyada oo la isla soo qaaday in si nabarkaasi loo daweeyo Kenya lagu amro in ciidamdeeda ay kala baxdo gayiga Soomaaliya.

Waxaa kale oo la isla soo hadal qaaday in hadii Kenya ciidamdeeda la baxdo ay meeshaasi kasoo bixi karto marnaan xagga awooda ah oo ay suuragal tahay in Axmad madoobe uu mar kale Shabaab ku biiro si taasi looga badbaadana Ciidamo Itoobiyaan ah loo diro si amaanka iyo kala danbeynta ay usoo celiyaan.

Arintaan ayaa la filayaa in madxweynuhu uu si dhaqsa ah uu ugu dhawaaqo sida ay xaqiijinayaan ila wareedyo madaxtooyada ku sugan oo arinta sheeda kala socday.

Dowlada Itoobiya ayaa la sheegay in ay aad ugu qanacsantahay in dowlada Soomaaliya ay u xilsaarto Kismaayo iyo hareeraheeda madaamna Kismaayo ay leeahay Dekad caalami ah Itoobiyana ay dekad la’aan heyso.