Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Baarlamaanka Somaaliya Oo Wasiiradii Ansixiyey Iyo Guud Ahaan Shacabka Somaali Oo Soo Dhaweeyey

Wednesday - November 14, 2012

Mogadisho- Golaha baarlamaanka dawladda Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dawladda ka kooban 10ka wasiir oo noqoneysa dawladdii ugu tirada yareyd ee abid soo marta Qaranka Somaaliya iyadoo aan la ogeyn tayada ay keeni doonaan wasiiradaas ee inta badan ay ku yartahay waayo-aragnimada maamul .. Waxaa goobta soo xaadirey 225 xildhibaan waxaana cod ku ansixiyay inta badan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Jaawaari oo akhriyey natiijada ayaa sheegey in 219 mudane ay ogolaatey meesha saddex diidey saddexna ay ka aamustey sidaasaana maanta dawladda Soomaaliya ku noqotey mid leh 10 wasiir. Waxa la sugaya waa dhaarti oo lagu sameeyo xildhibaanada hortooda iyo xafladi xil wareejinta oo ka dhacda Villa Somaaliya.