Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dood Ka Taagan In La Laayo Shimbiraha Xaramka Oo Isr Ahaan Ka Soo Jeeda Xamaamki Qariyey Godkii N...

Saturday - November 17, 2012

Makah- Agaasimaha waaxda nadaafadda ee maamulka caasimadda barakaysan ee Makah Al-Muakarama Injineer Maxamed Al-Mawraqi ayaa sheegay in nadiifinta maalinlaha ah ee digada shimbiraha xad dhaafka ah ee ku nool xaramku ay dhibaato badan ku hayso shaqaalaha waaxda nadaafadda ee maamulka caasimadda barakaysan, waxa aanu si weyn u naqdiyey dadka marka ay xaramka cimrada u tagaan sii qaada haruurka iyo cuntooyinka kale si ay ugu daadiyaan shimbiraha, taas oo uu sheegay in ay sii kordhiso in shimburuhu ku digoodaan barxadaha Xaramka dhexdooda.
 
Shimbiraha Xamaamka ah ee ku nool gudaha xaramka oo tiradooda lagu qiyaaso 4 Milyan oo xabbo ayuu Dr. Fawaaz A-Dahaaz oo bare sare oo taariikhda dhiga ka ah jaamacadda Umul-Quraa sheegay in isirkoodu uu ka soo jeedo xamaamkii qariyey afka godkii la magac baxay Qaaru-Thawr markii ay galeen Nebi Muxamed (SCW) iyo saaxiibkiisii weynaa ee Abu Bakar A-Saddiiq (Alle ha ka raalli ahaado) iyaga oo ka dhuumanayey Quraysh oo baacsanaysay markii ay u socdeen hijrada ay ku tageen magaalada barakaysan ee Madiina Al-Munawarah. Waxa kale oo uu taariikh-yahan Dahaaz sheegay in ay jiraan taariikho kale oo ku doodaya in ay shimbirahani asal ahaan ka soo jeedaan ku caan baxay Abaabiil ee iyaga oo kooxo u socda difaacay xaramka waagii uu boqorkii xabashada ee Abraha doonayey in uu dumiyo.
 
Fikirka ay qabaan qaar badan oo ka mid ah masuuliyiinta xaramka ee ah in la dilo shimbirahan xad dhaafka ah waxaa si adag uga hor yimi qaar ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Sucuudiga, kuwaas oo dadka reer Makah ugu baaqay in aanay shimbirahan ku dilin gudaha xududda xaramka oo ay mamnuuc diintu ka dhigayso in ugaarta lagu dilo. Dr. Cabaas Xakami oo ka tirsan golaha culimada waaweyn ee Sucuudiga ayaa ku taliyey in wixii dhib ah ee ka imanaysa shimbirahan loo raadiyo xal aan dil ahayn, waxase uu u soo jeediyey dadka xaramka booqanaya in aanay xaramka gudihiisa shimbirahan cunto ku siinin.
Dr. Xakami waxa uu sheegay in shimbirahani ay ka duwan yihiin kuwa caadiga ah oo ay gaar u yihiin Xaramka, tusaale ahaan in ay ku socdaan xawaare aad u dheereeya oo saacaddii gaaraya illaa 80km iyo in aanay dhex gelin shimbiraha kale.