Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

R/Wasaare Saacid Oo La Yiri Waxuu Ka Been Sheegay Waxa Ay Aaminsantahay Fawsiya Y. X. Aadan

Saturday - November 17, 2012

Raiisul-Wasaaraha saaxada siyaasada ku cusub Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa dhawaan wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC sheegay in Fowsiya Yusuf Xaaji Adan aaminsaneyn kala go’o soomaaliyeed, isla markaana aanu xisbigeedu u ololeynayn wax la yiraahdo kala go’o Somaaliyeed, isagoo warkiisa ku si sheegaay inuu soo akhriyay distuurka xisbigeedii NDP .. Hadabba wareysigaas kadib dad iyo aqoon-yahano kala duwan ayaa baaritaan dheeraada ah ku sameeyey warkaan u sheegay Mudane Saacid wixi ka jiri kara ee Run Iyo Been ah

Iyadoo la tix-raacayo distuurka Xisbigii NDB ee Fowsiya Yusuf Xaaji Adan gudoomiyaha ka ahayd, isla distuurkan faqradda labaad ee mabaadii’da xisbiga wuxuu u qoran yahay sidan " NDB wuxuu aaminsan yahay, ilaalinayaana, gooni isu-taagga iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland .. hadalka ka soo yeeray Raisul-wasaaraha oo la yiri run ahaanti waxuu baal marsan yahay xaqiiqda dhabta ah ee jirta, isla markaana uu ka been sheegay mabaadii’da ay aaminsan tahay Marwadda uu dhawaan xilka Raisalwasaare ku-xigeenka iyo Wasiirka Arimaha Dibadda isuga daray waxay ceel dheer ku ridi-doontaa midnimadda iyo wadajirka umadda soomaaliyeed.

Dhinaca kale waxaa isa soo taraya dhaleeceynta iyo cambaareynta lagu eedeynaayo Dowladda ay hogaaminayaan Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raisul-wasaare Saacid, iyadoo la sheegay inayna ahmiyad dheeraadda ah siineyn midnimada soomaaliyeed, sidoo kale magacaabida Fowsiya waxay daaha ka fayday khibrad-yarida siyaaseed ee durba soo banbaxday tasoo soo dedejin karta fashil ku yimaadda dowladda ay madaxda ka yihiin Xasan Qoslaaye iyo Riisal-Wasaarihiisa Saacid ee dhawaanta lagu dhisay mugadishu.