Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

USA- Chicago; Nin Xariir La lahaa Al-Shabaab Oo Lagu Xukumay 10 sano oo xabsi Ah

Wednesday - December 12, 2012

Maxkamada ku taala Magaalada Chicago ee dalka Maraykanka ayaa Xakun xabsi ah oo gaaraya 10-sano waxa ay ku riday Nin lagu eedeeyay in uu qorsheynayay uu u tababarta Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.
 
Maxkamada ayaa sheegtay in Ninkan oo lagu Magacaabo Shaker Masri uu doonayay markii uu tababarto ka dib uu fuliyo weerar Ismiidaamin iyo weeraro kale oo argagixso ah taasi oo wax u dhimeysa Maraykanka.
 
Shaker Masri oo 29-sano jir ah ayaa lagu xakumay 10-sano markii uu qirtay danbigiisa waxaana FBI Marykanka oo dabalgal ku sameysay Ninkani ay sheegtay inu uu ku taamayay in Al Shabaab uu ku biro. Al Shabaab ayaa waxa ay ku qal-qaalisa dhalinyarada Soomaalida ee dibada ku nool iyo kuwa Ajaanibta ah in ay ku soo biraan dagaalada ay ka hurineyso Soomaaliya inkastoo hada al-shabaab lag itaal roonaaday oo laga qabsaday Magaalooyin badan oo tii ugu dambeysey ay tahay magaalada Jawhar