Gorgorkii Looyar Xoosh Iyo Maxaa Ka Taqaana Ciyaarta Walasaqada
Tuesday - January 1, 2013
Gorgorkii looyar
xoosh dibna ruugiisi awgeed ka dabeyshaday mogdisho oo duufaan habeenimo ku tuurtay yurub.
Duruufihi siyaasadeed ee dhawaanta ka taagna
dalka somaaliya iyo gaar ahaan doodihi anshixinta dawladi C/Faarax Saacid soo
dhisay oo tab dhexaad la isku qabsaday iyo muran taagnaa si ay u dhacdaba kadib, ayaa mudane digtoor looyar Xoosh
Jibriil si lama filaan ah bidhaantiisa tilmaameed cirib iyo jaan la waayey meel
u dhigay, hasa -ahaate muddo kadib ayaa la ogaaday in gebi-ahanba mogdisho goor
kala-haad arooryo waqtii ay daruuraha gurguurteen iyo jiho aan la garaneyn uu sadcaalay .. Looyar
Xoosh warkii ugu dambeeyey intusan ka bixin mogdisho waxaa laga soo wariyey inu
yiri .. ina-laaha yuxibbul
Al- Xaq .. baarlamaan laba codleynaya iyo xukumadi ummada u
boqraneyd iyagoo dhuquc iyo
dhagacleyn orod ku jira ayey meel uga dhaceen sharafti ay huwanaayeen oo dasturkii
dalka waxaa laga dhigay xeerarkii habar-
dugaag oo kale oo waliba sidi la rabo loo micneeyey, dalkiina waxaa lagu xukumaya
kolba sidi ay ka doonaan iyado laysugu
dhex darayo sharci shuuci, mid muslim, kiristaan iyo xukun keli taliye .. hasa
ahaate xoosh waxuu intaa raaciyey in weli xaaladuhu si aada faraha uga bixin oo
weli waxay joogtaa heer la daba-qabateyn-karo
Looyar xoosh jibril
waxaa la sheegay isagoo ciil iyo caro la xiiqsan oo sidi DaaÂ’uuska is galay
wax loodiya la waayey si hal-haleela uga
dhoofay gegeda dayuuradaha ee caasimada mogdisho
, waxaana ugu dambeyn isagoo duufaanti Afrika
iyo qabowgi Yurubta si muquurtay laga war helay isagoo meel kasta ee dalka
yurub looga madalaayo shirar iyo xaflado balaaran is daba yaal oo ka kala
dhacay caasimadaha dunida yurub dacaladeeda, kuwaaso sida la yiri waxay
taageereen Xoosh diidmadiisi dharbaaxada
quureed iyo tabcada lala helay dalka iyo dadka oo isagu ka mid ahaa
xildhibaanadi diiday.
Looyar Xoosh Jibriil Wacdaraha iyo Maraxabka wanaaga lagu
soo dhaweeyey iyo sida loo soo agaasimay sidi isagoo dagaalkii labaad ee
aduunka Al-Clamayn guushiisa ka ayb
galay iyo taageerayaashisa Reer Jawhar oo isagu waa Xooshe asal ahaan halkaas
ku dhashay kuna barbaaray, waxay Reer shabeelle- Jawhar ee yurubtaas ku nool oo iyagu ah kuwa ku suntan hadalada san iyo
ciyaaraha hidaha iyo dhaqankaan ayey wiilkooda Xoosh ku soo dhaweyen amaan wac looga siiyeey, isla markaana sidi wiil curad ah ay
Wan buuran u bireeyeen oo waliba ugu yeereen weli-yaal duceeya .. Maxay Qabatay
Tawradu .. Maxay Qabatay Tawradu
Ugu dambeyn halkaan Reer mogdisho gaar ahaan
saaxibadiis u kala bakheylay macasalaameyska Alla waajibiyey iyo ashtakada tolkiisa oo ah kuwa haddi uu wax dilo iyo ibtilo dhici-karta magta
beys-tayn beys-tayn u bixin-lahaa oo u ka dhuuntay ayaa halkaan u soo dooray
ciyaarta Walasaqada ee inta badan laga ciyaaro Jawhar iyo qaar degmooyinka
Hiiraan.
1-
Dilli Mayno Dar Bay maynee
2-
Wax Yar Baan Daba Gureynaayee
3-
Adeerow Gabarta Soo Daayeey
Qaybta Dumarka
-
Gabdhihi Quruxsan Baa Qooqdee
-
Qurunley Ways Qar-qarisaayee