Gorgorkii Looyar Xoosh Iyo Maxaad Ka Taqaan Ciyaarta Walasaqada Ee Wadno U Roon
Tuesday - January 1, 2013
Duruufihi siyaasadeed ee dhawaanta ka taagna
dalka somaaliya iyo gaar ahaan doodihi ansixinta dawladi C/Faarax Saacid soo
dhisay oo marki dambe muran iy tab dhexaad la isku qabsaday dabadeed si ay natiijadu noqotaba kadib, ayaa mudane digtoor looyar Xoosh
Jibriil oo hormood ka ahaa inqilaabki baarlamaanka ka dhicisoobay si lama filaan ah bidhaantiisa tilmaameed cirib iyo jaan la waayey meel
u dhigay, hasa -ahaate muddo kadib ayaa la ogaaday in gebi-ahanba mogdisho goor
kala-haad arooryo waqtii ay daruuraha gurguurteen iyo jiho aan la garaneyn uu sadcaalay .. Looyar
Xoosh baafintiisi intaan la gaarin warkii ugu dambeeyey intusan ka bixin mogdisho waxaa laga soo wariyey inu
yiri .. ina-laaha yuxibbul
Al- Xaq .. baarlamaan laba codleynaya iyo xukumadi ummada u
boqraneyd iyagoo dhuquc iyo
dhagacleyn orod ku jira ayey meel uga dhaceen sharafti ay huwanaayeen oo dasturkii
dalka waxaa laga dhigay xeerarkii habar-
dugaag oo kale oo waliba sidi la rabo loo micneeyey, dalkiina waxaa lagu xukumaya
kolba sidi ay ka doonaan iyado laysugu
dhex darayo sharci shuuci, mid muslim, kiristaan iyo xukun keli taliye .. waxuu yiri waxaan arkay Sange Baqal la dhaafsiiyey .. hasa
ahaate xoosh waxuu intaa raaciyey in weli xaaladuhu si aada faraha uga bixin oo
weli waxay joogtaa heer la daba-qabateyn-karo .. waxaa laysku dayey laguna xabeebsaday in laygu riixo majare ay haystaan oo khaldan umase jixin-jixin. ayaa hadalkiisi laga wariyey
Looyar xoosh jibril oo qiiradu la fogaatay waxaa la sheegay isagoo sidi DaaÂ’uuska is galay
wax loodiya la waayey si hal-haleela uga
dhoofay gegeda dayuuradaha ee caasimada mogdisho
, waxaana ugu dambeyn isagoo dabeylhi duufaan Afrika
iyo qabowgi Yurubta sii muquurtay laga war helay isagoo meel kasta ee dalka
yurub looga madalaayo shirar iyo xaflado balaaran is daba-yaal oo ka kala
dhacay caasimadaha dunida yurub dacaladeeda, kuwaaso sida la yiri waxay
taageereen mabda'a Xoosh diidmadiisi dharbaaxada
quureed iyo tabcada lala helay dalka iyo dadka oo isagu ka mid ahaa
xildhibaanadi diiday.
Looyar Xoosh Jibriil Wacdaraha iyo Maraxabka wanaaga lagu
soo dhaweeyey iyo sida loo soo agaasimay sidii isagoo dagaalkii labaad ee
aduunka Al-Clamayn guushiisa ka qayb
galay iyo taageera-yaashisa Reer Jawhar oo isagu waa Xooshe asal ahaan halkaas
ku dhashay kuna barbaaray, waxay Reer shabeelle- Jawhar ee yurubtaas ku nool oo iyagu ah kuwa ku suntan hadalada san iyo
ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ayey wiilkooda Xoosh ku soo dhaweyen amaan wac looga siiyeey, isla markaana sidi wiil curad ah ay
Wan buuran u bireeyeen oo waliba ugu yeereen weli-yaal duceeya .. Maxay Qabatay
Tawradu .. Maxay Qabatay Tawradu
Ugu dambeyn halkaan Reer Mogdisho gaar ahaan Looyar Xoosh saaxibadiis oo uu kala bakheylay macasa-laameyska sunnada ah ee Alla waajibiyey waana sooryo gobeed iyo sawdka islaamka, sido kale waxaa iyana dhinac ashtako haruuf leh tolka kaga larnaa isla bixi dhinaca looyar Xoosh ka beenoobay taaso beesha ay ka cabanayaan dhaqankii abaal dhaca Bisada lagu yiqiin Mew-Mew kaa hoos tiraahda oo micneheedu yahay " Yaad wax siisay" ... kuwa salaanta iyo maslaxada lagala cararay waa kuwa haddi looyarka u dilo libaaxa habar-dugaaga Ameerika iyo ibtilo dhici-karta magta
beys-tayn beys-tayn u bixin-laha sidaa daraadeed waxaa halkaan saaxibo iyo tolba looyar Xoosh dhambaal ugu soo dooreen ciyaarta Walasaqada Wadno U Roon ee inta badan balwadaas laga ciyaaro Shabeelada Jawhar iyo qaar degmooyinka
Hiiraan, walasaqada Ninki garanayana dheesha ha u tumo .. ujeedada xulka Ciyaarta waa Nin waliba sidu u fasirto,
1- --- Dilli Mayno Dar bay Maynee
2- --- Wax Yar Baan Daba Gureynaayee
3- --- Adeerow Gabarta Soo Daayeey
Qaybta Dumarka
- Gabdhihi Quruxsan Baa Qooqdee
- Qurunley Ways Qar-qarisaayee