Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Walaac Laga Muujiyey Booqashada Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan U KU Tagay Dalka UK

Wednesday - March 7, 2018

Dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa booqasho saddex maalmood ah ku tagay Ingiriisaka iyadoo dibadbaxyo la qorsheeyay oo looga soo horjeedo dalkiisa doorka uu ku leeyahay dagaalka ka socda Yemen .

Maxamed bin Salman oo 32 jir ah ayaa dadka qaar waxay u arkaan in uu si khasab ah u casriyeeynayo dalka sucuudiga.

Waxaa la filayaa in uu wada hadal la yeesho ra’iisalwasaaraha UK, Theresa May. Wuxuu sidoo kale kulan qado sharaf ah la leeyahay boqoradda.

Ingiriiska ayaa ku raja weyn in uu maalgashado dhaqaalaha Sacuudiga ee is furfurayo balse dhanka kale Theresa May ayaa walaac ka muujineeyso xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan dalka Yemen.

Dibedbaxayaal ka mudaaharaadayo duqeeymaha uu Sacuudiga ka wado dalka Yemen ayaa isugu soo baxay banaanka waddada Downing Street halkaas oo uu Maxamed bin Salmaan kula kulmayo Theresa May iyo xubno ka tirsan golaheeda wasiirada.

Waa booqashadii ugu horreysay ee uu Bin Salmaan booqdo Ingiriiska tan iyo markii loo magacaabay dhaxal sugaha dalka Sacuudiga sanadkii hore, Waxa uu sido kale casha sharaf uu la yeelan doonaa amiir William.

Waxaa lagu ammaanay isbedelka uu ka sameeyay wadankiisa sida in dumarka loo ogolaado inay wadaan gawaarida iyo dib u furitaanka shaneemooyinka kadib 35 sano.

Golo iskaashi ayaa la sameeyn doonaa taas oo la rajeeynayo in ay sacuudiga u horseedo in maalgashi lagu sameeyo Waxaana la filayaa in UK ay maalgashan doonto lacag gaareysa 100 bilyan oo gini tobanlka sano ee soo socda.