Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Shacabka Mogdisho Oo Ka Murugeysan Dakhligi Canshuurta Oo Sifo Sharci Daro Loogu Bixinaayo Mooshinka Jawaari

Tuesday - March 20, 2018

Waxaa la sheegaya in beryahaan hoteelada ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo aan horay uga jirin, gaaraan
Hoteelada waa weyn ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa dhaqaalo badan ka sameeyay mooshinka Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka ka keeneen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Hoteeladan ayaa hooy iyo goobo ay ku shiraan u noqday Xildhibaanada iska soo horjeeda, waxaana Kulamo aan kala har laheyn qaar kamid ah Hoteelada Muqdisho ku yeesha Xildhibaanada Mooshinka wada iyo kuwa kasoo horjeeda.

Sida aan xogta ku heleyno Hotelka ugu horeeya ee dhaqaalaha ugu badan ka helay Mooshinka Jawaari laga keenay ayaa ah Hotelka SYL oo ku yaala meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Hotelkan ayaa siyaabo kala duwan waxaa ugu shira Xildhibaanada siyaasad ahaan iska soo horjeeda, waxaana la sheegay in maalin kasta ay tagaan Xildhibaano badan kuwaa oo kulamo ku yeesha.

Xildhibaanada ku shiraya Hotelada Muqdisho ayaa dhaqaalo badan waxaa ku bixiya dhinacyada mooshinka Jawaari kalsoonida lagala noqonayo abaabulay iyo kuwa kasoo horjeeda mooshinkaasi,

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aaminsan in dhaqaalo badan sifo sharci daro ah loogu bixinayo riditaanka iyo difaaca Jawaari, waxaana dhaqaalaha mooshinkan ku baxaya wax badan ka tari karaan baahiya dad badan oo oon iyo baahi u dhimanaya