Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 8 May 2024

Qiso Mudan In Lagu Cibrad Qaato .. Kuwi Naga Horeeyey Wey Beereen Anaguna Weynu Goosanay .. Anaguna Waan Beereynaa Si Ay U Goostaan Kuwa Soo socda

Friday - July 6, 2018


Boqoradi hore mid ka mida ah ayaa maalin soo dhex maray dadkiisa isagoo u balan qaaday qofkii u ka helo kalmad wanaagsan inu siin-doono abaal-marin 400 Dinaar .. Boqorkii sidu u wareegaayey marki dambe waxuu la kulmay Oday 90 jira oo beeraya geed Saytuun ah .. Boqorkii ayaa ku yiri maxaad u beereysaa Geedkaan adigoo Da' ah oo isaguuna waa Geedke u ku baxo 20 Sano, oo geeridi ayaaba ku hayse?
\
Odaggi ayaa intu Qoslay ku yiri; kuwi inaga horeeyey wey beereen anaguna weynu goosanay markaa anaguna waan beereynaa si ay u goostaan kuwa soo socda.
Boqorkii ayaa hadalkii aad uga helay, waxaana u ku yiri; kalmad wanaagsan ayaad tiri; sidaa daraadeed, waxaan ku siinaya abaalmarin 400 oo Dinaar .. Odagi ayaa dhoola-cadeeyey, dabadeed Boqorkii ayaa weydiiyey oo yiri maxaad u dhoola-cadeysay ? Odagii ayaa ku jawaabay Geedka Saytuunku 20 sano ayuu ku dhalaa aniguna keygii haddu ii dhalay. sidaas ayuu wanaaga la sameeyo markiiba leeyahay abaalmarin dhaqso ah.