Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Ma Eegayaan Halkey iin Ku Leeyihiin .. Farmajo, Kheyre Iyo Fahad Yaasiin Oo Kaar Faalso Ah Miiska Soo Dhigay .. Yey Qaraxi Dhacay U Ersanayaan

Monday - December 30, 2019



Somalidu waxay tiraahaa " Mid qafilan Ninki Quraan u Akhriyey Qaaf dheh ku haraadiye " kaba sii darane, maskax aan ku soo barbaarin Sadexda Raga lagu xusho ee ah: Dood, Waayo-aragnimo, Xikmad iyo Murti- yaqaan, waxay inta badan ku dambaysaa damiir la'aan iyo dareen wax u sheega ( A permanent sickness), qofka caynkaas ahna kama dhamaado khiyaali isu sawira war-wareega iyo been u isku maaweliyo .. Niman-kaan dawlada sheeganaya sidoodaba kama gaboobaan qiil baneysi, been cusub iyo ila meereyso

Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Kheyre waxay been-toodi ku soo xirmatay oo ay dhan u dhaafi-weyday iney Kaar faalso ah miiska soo dhigaan oo yiraahdaan Qaraxi halaaga ka dhacay mogdisho waxaa ka dambeya dawlado shisheeye oo kolba sidaan filaayo ay ula jeedaan Imaaraadka Carabta .. "Alla karim" Maah-maah Ingiriis ah baa waxay ina leedahay " Tomorrow never cames to end" oo micnahu yahay beri ma dhamaato maalin-kasta oo aad joogto waxa ka sii dambeeya berito .. oo beri hadey isku dhalaasho qaraxyo iyo dilaal kale dhacaan anago ku qarineyna fashalkeena dawladee lagu eedeyn-doona, waxaan filaya in marka dambe la oran-doono arintaan waxaa ka dambeya Xuutiga Yaman .. 

Akhristow, wixii dhalaala ma aha Dahab oo warkaan eedeynta ka soo yeeray hay'ada Nabasugida waa wax kama jiraan aan sal iyo raad lahayen ee waxaan ku leeyahay ha ku jabin ee iska hubso, waxaa laga yaaba in sheekada ay tahay Naxaas la dhalaaiyey oo lagu marin-habaabinaayo nabadgalyada Mogdisho oo u muuqata iney ku deysay, balse kuwa hogaanka u ah shataafta u laabay .. warkaan ay sheegeen waa war ay doonayaan iney fashalkooda meel uga baxaan, waayo beenaa-luhu weligii ma cadeeyo carrab-kiisa ee wax baa u laqan lagu hoos qarinaayo aan dhab ahayen .. Waxaa ayaan daro ah, wax laga naxo ah in dadka la gashan-karo fikrado liita oo noocaas oo kale ah .. Cajiib 

Dhamaan booqayaasha Galdogob Times aan idin weydiiye " Xero bahal ku jiro xoolo ma ku dhaqmaan" dabcan jawaabtu waa Maya .. hadde Su'aashu waxay tahay: Nabadgalya la'aanta dhibta naga haysata ee sida tooska ah labada indhood laga tuuray ee Godka Xaarka lagu riday: Yaa Ka Masuul Ah, oo Hab-keedi Shaqo Ma La Haya, oo Rageedi hawshaas aqoonteeda iyo waayo-araga u lahaa ma la haya .. Raga aan isla garaneyno oo ka fiirsho la'aanta lagu magacaabay ee xita geerida Nabiga Ogeyn, oo ugu horeeyo Wasiirka Amniga ee maanta ka masuul ah nabadgalyada qaranka ma kula tahay nabadglyada mugdi gashay ee ceelka ku jirta iney ka soo saari-karaan .. Waxaa taliyihi ciidanka Xooga loo dhiibay mid weli naaski hooyadi jaqaya hadaaqaya .. Maxaa magaci Nabadsugida, Poliska iyo Milatariga iska ba'een  ..  Rag talo kama dhamaato oo ma Rabo inaan ku dheeraado meesha ay ka jirto xagal daacu ee u baahan in la asturo, kamana aamusi-karno ee waa in la tilmaama oo farta lagu fiiqo cida markaa Ehelka u ah dhibka taagan .. Ragaan xilalka eexda aysan qaadi-kain lagu taxay qof-qof wax ugama sheegi-karo oo idin-kaba waa la socotaan , balse idinkaan idiin deynaya faafaahinta taariikhda masuullinta u xilsaaran nabadgalyada dalka iyo cida in la eersado ay tahay .. 


        Tifaftiraha Wargeyska Galdogob Times M. Alihashi
         [email protected]