Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Adiis-Ababa: Shir U Socday Ergooyin Ka Tisan Maamul-Gobolleedyada Golis State Sool Sanag Cayn Iyo Awdal Oo Gabagabadiisi Qodobo Laga Soo Saaray

Monday - January 13, 2020



Adis-Ababa -Waxa magaaladda Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ku soo dhammaaday Shirir is-daba joog ah oo u socday ergooyin isugu jira Aqoonyahanno, Siyaasiyiin, Qurbo-joog iyo Qol-qol joog ka soo kala jeedda gobollada Sool, Sanaag, Awdal iyo Togdheer.

Shirkaas oo nuxurkiisu ahaa sidii shacabka ku dhaqan Gobollada Waqooyi ee Somalia u samaystaan maamul Gobolleed ka turjumaaya doonista iyo rabitaanka Shacabka labada maamul Goboleed ee Golis State iyo Awdal State oo ku midoobay magaca NORTHERN STATES OF SOMALIA, kaasoo waafaqsan nidaamka Faderal Somalia.

Qodobada Nuxurka Heshiiska Maamul Goboleed ee Awdal State Iyo Golis state (Togdheer,Sanaag Sool) waa sidaan:
1- In Labada Maamul Goboleed ku bahoobeen Dalada Guud ee Magaca Northern states of Somalia oo leh Astaanta Qaranka Soomaaliyeed.

2- In Midnimada iyo Qarannimada Somaliyeed tahay mid muqadas ah

3- In labada maamul Goboleed iska kaashadaan Nabadgalyada xuduudaha Dawlad Goboleedada iyo Xuduudaha Dawlad Degaanka Somalida iyo Xeebaha Waqqooyi iyo guud ahaan Geeska Africa.

 4- In Dalada Guud ee NORTHERN STATES OF SOMALIA ay Si buuxda ula shaqayso Dowlada Faderaalka Somalia.

5- In Dalada Guud ee Northernula States of Somalia ay si buuxda ula shaqayn doonto Maamul Goboleedyada kale,si waafaqsan Dastuurka Faderalka Somalia.

6- In labada Maamul Goboleed ka midaysan yihiin siyaada, Difaaca iyo Dhaqaalaha Iyo Difaaca Dhulka Somaliyeed

7- In Dhamaan muwadiniinta Somaliyeed ee ku dhaqan Degaanada Northern states of Somalia la xaquuq yihiin muwaadiniinta bulshada Gobolada Waqooyi

 8- In Dawlad Goboleedka Northern States of Somalia Dastuurkeeda saldhig u yihiin Shareecada Islaamka, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka 

9- In Xarunta iyo Caasimada Northern States of Somalia si ku meelgaar laga dhigi doono Magaalda Buuhoodle ee G.Togdheer

10- In xukuumada iyo dhismaha Dawlad Goboleedka NORTHERN STATES OF SOMALIA lagu soo doorto habka beelaha iyada oo ay u meteli doonaan. Ergooyin ka kala socda beelaha wada dega Degaanada Gobolada Sool,Sanaag,Togdheer iyo Awdal oo ay kala iman doonaan tiro ergooyin is-leeg

11- In Xeerka ugu sareeya noqdo Dastuurka ku-meel-gaarka ah, sida ku cad mabaadi’da Dastuurka iyo qaab- dhismeedka nidaamka Dowladda iyo awaamirta uu tilmaamayo, waxuuna ku dhisan yahay mabda’a qaybinta awoodda ee hay’adaha Xeer-dajinta, Fulinta iyo Garsoorka, aaya-ka-talinta, ismaamulka iyo sarreynta Xeerka si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Gobolada Sool Sanaag,Awdal iyo Togdheer

12- Beelaha Heshiiskani dhex maray ee Gobolada Sool,Sanaag,Awdal iyo Togdheer oo noqonaya 85% mushtamaca ku dhaqan Gobolada Waqooyi in laga bilaabo maanta inaanu ka midnahay Dawladaha Faderalka Somalia.