Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow ..Jaajuuskii Mareykanka Ahaa Ee Bixiyey Sirta Bambkii Nuclear-ka Ee Haddana Baxasaday

Monday - January 20, 2020



Ninka la yiraah Theodore Hall wuxuu ahaa seynis-yahankii ugu da’da yaraa ee ka qeyb galay mashruucii lagu sameeyay Bamkii ugu horeeyay ee Atomic-ga adduunka .. 29-kii bishii Agoosto ee sanadkii 1949-kii, Ruushka wuxuu noqday waddankii labaad ee heysta hubka nuclear-ka, xilligaas oo uu Midowgii Soviet qarxiyay bambadii ugu horreysay uu ku tijaabinayay hubkiisa Nuclear-ka.

Tijaabadaas ayaa lama filaan ku noqotay waddamada reer galbeedka – sida ku xusan xog ay hayaan CIA-da Mareykanka .. Sababtoo ah, Khubarada Mareykanka waxay markaas u maleynayeen in Ruushka uusan awood u yeelan-karin soo saarista Nuclear-ka ilaa laga gaaro sanadka 1953-kii.

Balse arrinta la yaabka leh waxay ahayd in seynis-yahan u dhashay Mareykanka, oo lagu magacaabi jiray Theodore Hall, uu ahaa qofkii xukuumadda Moscow ka caawiyay inay Nuclear u sameysato si fudud, isagoo u gudbiyay macluumaad xasaasi ah.

Waa run in Theodore Hall uusan ahayn muwaadinka kaliya ee Mareykanka ee cadowga siiyay sirta hubka nuclear-ka, laakiin waxa sheekadiisa khaaska ka dhigaya waa in uu noqday qofka kaliya ee sidaas sameeyay haddana baxsaday.

Mashruuca Babmka Nuclear-ka wuxuu ahaa mid sirtiisu ay aad u culus tahay, oo Rag aad u tiro yar oo tobannaan ruux ah ayaa ogaa micnaha mashruucaas uu ku saabsan yahay” .. Mid ka mid ah raggaasna waxaa la oran jiray Theodore Hall.

Theodore Hall, Wuxuu dhashay 20-kii bishii Oktober ee sanadkii 1925-kii .. Ninkan oo ahaa wiil ay dhaleen hooyo guri joog ah iyo Aabe ganacsade ah wuxuu ku koray xilli ay xaalad adag ku jireen dadka caadiga ah ee Mareykanka, Laakiin arrintaas kama aysan hor istaagin Teodore Hall inuu adeegsado maskaxdiisa fahmada badan, wuxuuna heer sare ka gaaray maaddooyinka xisaabta iyo physics-ka.

Theodore Hall, Isagoo aad u da’ yar, oo 16 jir ah ayuu boos ka helay Harvard, wuxuuna ka qalin jabiyay sanadkii 1944-kii .. Fahmo badnidiisa iyo aqoontiisa dhinaca seynisya ma aysan seegin saraakiisha Mareykanka, waxayna ku dareen dad ay u kaxeynayeen xarunta uu ka socday barnaamijkooda sameynta hubka nuclear-ka.

Horaantii sanadkii 1943-kii, Theodore Hall waxaa imtixaan looga qaaday mashruuc ay sirtiisu aadka u cusleyd oo ka socday xarun ku taalla magaalada Los Alamos, Hase yeeshee, arrinta aysan saraakiisha Mareykanku ka war qabin waxay ahayd in seynis-yahankan da’da yar ay horayba u shaqaaleysiisteen qolyo kale.

Theodore Hall wuxuu xubin ka ahaa ururka arrimaha siyaasadda ee ardayda jaamacadda Harvard, qolkii uu seexan jirayna waxaa la dagganaa arday ay isku fasal ahaayeen oo lagu magacaabi jiray Saville Sax.

Saville Sax wuxuu ahaa wiil ay dhaleen dadkii Ruushka ahaa ee qaxooti-nimada ku tagay Mareykanka, wuxuuna ahaa Shuuci sidoo kale ku dhashay, kuna barbaaray magaalada New York.

Haddaba, Saville Sax qudhiisa ayuu ahaa qofkii Midowga Soviet u shaqaaleysiiyay Theodore Hall, wuxuuna qaaday xogta ku saabsan barnaamijka Bambka Nuclear-ka ee uu usoo gudbin jiray.

Theodore Hall wuxuu sheegay inuu ka baqayay in Mareykanku kaligiis uu heysto Bambka  Nuclear
Bishii Disember ee sanadkii 1944-kii, seynis-yahanka da’da yar ee reer Mareykan, Hall, oo garab ka helaya saaxiibkii ay horay qolka iskula dagganaan jireen ayaa gudbiyay wax loo aqoonsaday sirtii ugu horreysay ee nuclear-ka ee laga bixiyay xaruntii ku taallay magaalada Los Alamos.

Theeodore Hall wuxuu ku dooday in Ruushka oo Bamka Nuclear helay ay xakameysay isticmaalka hubkaas .. Hall waxay Soviet-kii Ruushka u yaqaanneen “Ninka da’da yar”, wuxuuna macluumaad kale oo dheeraad ah ka siin jiray Tiknoolojiyad kasta oo laga gaaro farsamada Nuclear-ka, gaar ahaan hubka ay ku jirto maaddada khatarta badan dhalisa ee loo yaqaanno plutonium-ka.

Howlgalkii lagu raadinayay qofka sirta bixiyay, ayaa Sanadkii 1950-kii, Theodore Hall oo shahaadadiisa PhD-da ka diyaarinaya jaamacadda Chicago ayey albaabka usoo garaaceen ciidamada FBI-da Mareykanka.

Farriin qoraaleed loo qoray qaab sir ama sarbeed ah oo la helay ayaa lagu ogaaday inuu la shaqeeyo Moscow .. Sanadkaas kii ka horreeyay waxaa la xiray seynis-yahan kale oo Jarmal ah oo ka howl galayay xarunta Los Alamos, wuxuuna qirtay inuu sirta Bambka Nuclear-ka Maryekanka u gudbiyay cadowga.

Hase ahaatee, FBI-du ma aysan u suurta galin inay Theodore Hall ka dhaadhiciyaan inuu wax qirto, sidoo kalena Saville Sax, ayaa su’aalo la weydiiyay, waxna ma uusan sheegin.

Ma jirin Seynis-yahan kale oo ay magacaabeen labada jaajuus ee la qabtay. baaritaannadii lagu sameeyayna wax astaan ah ma aysan muujinin – waayo Hall aad uga uusan shaqeyn jirin wixii ka dambeeyay howlgalkii mashruuca Manhattan ee lagu sameeyay hubkii ugu horreeyay ee nuclear-ka.

Ugu dambeyntii, Hall wuu baxsaday, wuuna ka duwanaa eedeysaneyaashii kale oo xabsi qaatay ama kuwii loo daldalay dambiyo ku saabsan jaajuusnimo .. Laakiin wali Hall iyo xaaskiisa way u baqayeen amnigooda.

Theodore Hall wuxuu cudurka kansarka u dhintay sanadkii 1999-kii, wuxuuna howlgab noqday sanadkii 1984-kii, waxaana la geeyay meel ay isaga iyo qoyskiisa kaliya ku noolaayeen, Laakiin sanadkii 1996-kii, waxaa soo baxday sirtii u qarsanaan jirtay waligiis. dadkii Ruushka ahaa ee wax ka ogaa taariikhdiisa ayaa bannaanka soo dhigay sheekada ku saabsan inuu ka dambeeyay qorshihii ay Soviet-ka ku heleen macluumaadka ku saabsan sameynta nuclear-ka.

Nasiib wanaagiisa, xilligaas ma nooleyn qof markhaati ka noqon karay falkii uu sameeyay. xitaa nikii saaxiibkiis ahaa ee lagu magacaabi jiray Savile Sax, horay ayuu u geeriyooday.

“Laga yaabee inaan baddalay jihadii ay u socotay taariikhda, jihadaas oo haddii aanan baddalin sababi lahayd in dagaal loo adeegsado hubka atomic-ga uu dhaco intii lagu guda jiray 50-kii sano ee lasoo dhaafay – tusaale ahaan Bambada nuclear-ka waxaa lagu dhufan lahaa Shiinaha sanadkii 1949-kii ama horaantii 1950-meeyadii. ayuu yiri Hall

“Hagaag, haddii aan gacan ka geystay inaysan arrintaas dhicin, waan aqbalayaa dacwadda”, ayuu yiri, isagoo si toos ah u caddeeyay inuu jaajuus u ahaa Ruushka, uuna siiyay xogta muhiimka ah.

Taa darteed Ma jirin weerarro loo adeegsaday nuclear oo dhacay wixii ka dmabeeyay kuwii laga geystay magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki 74 sano kahor.

Theodore Hall wuxuu qabriga galay isagoo aaminsan inuu arrintaas sabab u yahay.