Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Wan Weyn ILa La Gawraco Indhihiisa Cirka Ma Arkaan .. Mareykanka Oo Farmaajo Jiq Ku Siiyey Muddana Loo Qabtay

Wednesday - June 10, 2020



Horaa Loo Yiri: Nin Is Waalaba Waabiya Hela .. Dawlada Mareykanka waxay dhambaal baaq culus soo gaarsiisay Madaxweyne Maxamed Farmaajo oo sida loo fasiray ujeedkiisu yahay inti aad wax maqleyn iyo wax aan gadmeyn aad waday, is yeel-yeel iyo wixii rogmaya yeelkood, bila qawl tahay waa Enough- Enough ee waxba ma tihide fariiso oo amarka qaado.

Sida qoraalka ka muuqata farmaajo waxaa khasab looga dhigay oo madaxiisa dhulka loogu musbaaray inu muddo kooban si sharci waafaqsan shir ugu qabto Maamulada gobolada iyo Saami-leyda siyaasiyiinta dalka si looga xaajoodo nooca doorashada loo qabanaayo iyo waqtiga ay dhaceyso.

Madaxweyne Maxamed Farmaajo Boqolaal jeer baa loo tagay iyado wanaag laga rabo, oo la yiri war bal hadal oo wax uun kala jihee oo waxaan soconeyn iyo maaweelada ka bax, laakiin sidi nin awood badan leh iyo inu wax sameyn-karo talo kasta dhagaha ka fureystay oo waa nooci Quraanku ka yiri: Waxa jira kuwo Dhego la', Qalbi la', Indho La', oo aan Caqli lahayn haba-yaraatee" ( Sumun, bukmun, cumun, fahum laa yacquluun" taaso keentay in mar qura xakamihi lagu giijiyry, sankiisa Caano boore laga lisay .. Nasib darada haysata Maxamed Farmaajo waxaa la taliya kuwa xitaa aan Ogeyn geerida Nabiga CSW kuwaaso Madaxiisa Majo u rogay oo albaab kasta ka soo xiray.