Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Haadkaas Dhacaya Tallow Muxuu Ku Dhacaya .. R/W Kheyre Oo Saaxiibkiis Muqtaar Qoraansey U Magacaabay Xil Sare Oo Muhiim Ah

Monday - July 6, 2020



Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Maareeyaha Mashruuca Aqoonsiga Qaranka.

Qoraalkaas oo ka soo baxay Xafiiska Raiisal Wasaaraha ayaa lagu yiri: Mukhtar Xuseen Maxamed (Qooraansay) ayaa loo qaatay inuu noqdo Maareeyaha Mashruuca Aqoonsiga Qaranka (Managing Director for the National ID Project), si uu usoo dhiso hay’adda Aqoonsiga Qaranka (National ID Authority), isagoo kaashanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Guddiyadii dhisnaa

Mukhtaar ayaa hore uga tegay Hay’adda NISA oo uu ka ahaa Madaxa IT, markii ay isku dhaceen Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NISA) .. Mukhtaar ayaa heysta dhalashada dalka Norway sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay.

Magacaabiddan ayaa imaneysa xilli uu sii kordhay isku dhaca ka dhexeeya labada xafiis ee Madaxweyne Farmaajo iyo R/W Xasan Cali Kheyre, waxaana mashruucan laga waday xafiiska Madaxweynaha iyadoo uu  Farmaajo u horay u magacaabay hoggaaminta mashruucan Nuur Diiriye Fuursada oo hadda ku magacaaban Agaasimaha xafiiska Madaxweynaha.