Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Wixii Loo Diyaariyey Mu'mininta .. Waa Ka Mid Xuural-Caynta

Saturday - November 28, 2020



Xuurul Cayn waa xaasaska iyo ooriyaha jannada. Waxa guursanaya nimanka jannada galay, ninkuna wuxuu ugu jecelyahay gabar xalaal u ah oo qurux iyo qiimamaba leh. Ilaahay wuxuu yiri: Waxay ku leeyihiin (jannada) xaasas la daahiriyey, ayaguna waaraya .. sido kale Alle wuxuu yiri: Waxaan u guurinay Xuurul Cayn.
Xuurul-Cayntu waxay madaxa ku sidataa khamaar ama Taaj oo ah ka ugu qurxoon uguna wanaagsan. Rasuulkii Ilaahay wuxuu yiri: Khamaarkeeda ama Xijaabka madaxa ay ku sidato ayaa ka khayr badan Aduunyada iyo waxa dhex yaalaba.

Hadaba Hadii khamaarkeedii ka qurxoon-yahay aduunka iyo waxa dhex yaalaba, bal kawaran ayadana quruxdeedu heerka ay gaarsiisan-tahay .. Magaceedu waa Xawraa, macnaheeduna waa cadaan daran iyo indhaha aadka u madow .. Cadaanta jirkeeda waxa ku dhex jira guduud ama casaan. Ilaahay wuxuu yiri: Waxaad moodaa ukun (beed) dhawrsoon .. Ereyga Ukunta waxa lagu fasiray Ukunta marka la kariyo ee qolofta sare laga saaro siday u jilicsan-tahay oo kale ayay Xuurul Cayntu u jilicsan-tahay, ayna u cadahay. Waxa kale oo lagu fasiray inay sida dheeman Cad oo kale u eegyihiin. Waana waji iyo dhaban aan cidna taabanin oo dhawrsoon.

Quruxda wajigeeda: Ilaahay wuxuu yiri:Waxa dhex jooga (jannada) haween qurxoon .. Ereyga "Xisaan"
waxa looga jeeda dumarka wajigoodu aadka u qurxoon-yahay. Markasta oo niman-koodu baxaan oo ay ku soo laabtaan gurigooda, waxa sii qurux badanaya wajigii Xuural Caynta.

Rasuulkii Ilaahay wuxuu yiri: Dabaysha Qurxinaysa Wajiga Xuural-Caynta Jannada dhexdeeda waxa ahaaday suuq ay imanayaan jimce kasta, waxaana soconaya dabaysha waqooyiga, waxayna ku dhacaysaa waji-yadooda iyo dhar-kooda, kadibna waxa u kordhaya qurux iyo wanaag, waxayna u laabanayaan ehelkoodii, ayagoo ay u siyaaday wanaag iyo quruxba, wuxuuna ku dhahayaa ehelkoodii: Ilaah baan ku dhaartee waxa idiin korodhay wanaag iyo qurux, waxay dhahayaan: ilaah baan ku dhaartee, idinkana waxa idiin korodhay wanaag iyo qurux.

Ilaahay wuxuu yiri: Indhaha Xuural-Caynta, waa gabadha indhaha waa wayn ee inta cad ay aad u cadahay, inta madowna aad u madawdahay .. Indhaha waa wayna waa quruxda dumarka iyo raggaba sidaa darteed nabigeena isagaba wuu indho waynaa.

Xuurul-caynta sankeedu waa qurux badanyahay, waxa laga daahiriyey duuf, dhidid, hargab, cuncun, qabow iyo sanbuurba ..Waxaad moodaa sida Yaaquutka iyo Marjaanka iyo jawharado midbayo leh

Dhabanka Xuural-Cayntu wuu ka saafisan yahay muraayada, waanu ka cadyahay cadceeda, waana dhaban quruxda iyo dhalaalkiisa la moodo jawharado midabyo leh. Ma malayn kartid quruxda Ilaahay ku abuuray gabadha xuural-caynta ah .. Afkeeda iyo nuurka la socda dhoola cadaynteeda Hilaac ayaad mooda inuu ka kacayo afkeeda markay dhoola cadayso, waxayna dhoola cadaynteedu ifinaysa dunida oo dhan .. Xuural-Cayntu jannada dhexdeeda ayay ku heesaysaa, ayadoo ku qaadaysa codka ugu macaan, kaasoo nafta u raaxaynaya oo qalbiga nin-keedana dajinaya, Waxa kale oo ay ku heesayaan iyagoo leh: Anagaa ah xuurta wanaagsan, waxa nala siiyey niman sharaf leh.

Xuural-Ciintu, Waa dumar jirkoodu jilicsan-yahay oo barwaaqadu ka muuqato. Mana ku gaboobayaan Jannada, jirkooduna isma badalayo. Ilaahay wuxuu yiri: Jannada gala idinka iyo haweenkiinu idinkoo ku nicmaysn farax .. waa dumar Raaliyo ah oo deegaan-kooda jooga oo aan safar iyo socdaal galaynin. Waa dumar ku qanacsan nolosha Ilaahay siiyey iyo raaxada ay ku nool-yihiin .. Niman-kooda kama caroonayaan, kamana tagayaan guryahooda.