Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Culimadi Sayniska Iran Eebiyo Gantaal Baa Lagu Wada Dilay .. Dawlada Imaaraadka Carabta Iyo Sacuudiga Oo Bac- Bacda Maqashi Aan La Fileyn Ka Bixiyey Dilka Saynis-yahanki Nukliyeerka Iran

Tuesday - December 1, 2020



Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaareysay dilka “xun” ee loo gaystay saynisyahankii sare ee Nukliyeerka ee Iran, kaasi oo Tehran ay ku eedeysay Israel, isla markaana sidaas oo kale ayaa iyaguna dawlada Sacuudiga ay cambaareysay dilkaas dhacay

Imaaraadka Carabta waxay si toosa u cambaareysay khaarijinta Mohsen Fakhrizadeh, waxayna ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is xakameyn si looga fogaado in gobolka la geliyo heerar cuusb xasillooni darro ah iyo halis amni, waxaa sidaas qoraal ay twitter soo dhigtay ku tiri wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka .. Wasaaradda ayaa dilka Fakhrizadeh ku qeexday “dambi aad u fool-xun”.

Fakhrizadeh, oo Israel ay ugu yeertay “aabaha” barnaamijka Nukliyeerka Iran, ayaa waxaa si darran Jimcihii loogu dhaawacay markii koox hubeysan ay weerareen gaarigiisa islamarkaana iska hor-imaad uu dhex-maray ilaaladiisa, meel dibedda ka ah magaalada Tehran, sida ays heegtay wasaaradda gaashaandhigga Iran. Wuxuu dhintay goor dambe.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa ballan-qaaday in dalkiisa uu waqtiga ku habboon ka aargudan doono dilka, islamarkaana aanu ku dhici doonin “shirqool”.

Cambaareynta xooggan ee Imaaraadka Carabta ayaa imaneysa toddobaadyo kadib markii ay xiriir rasmi ah la yeesheen Israel .. Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa la rumeysan yahay inay xulufo ku yihiin sidii loo yareyn lahaa saameynta Iran ee gobolka, hase yeesheen Abu Dhabi ayaa la rumeysan yahay ina ka dabacsan tahay Riyadh.