Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Horaa Loo Yiri Nin Is Waalaba Waabiya Hella .. Hooyoyinki Mogdisha Oo Ku Goodiyey Iney Farmajo Khasab Uga Saari-doonan Villa Somaliya

Monday - December 7, 2020


Muqdisho - Luul Maxamed Sheekh Cismaan oo ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ayaa si weyn madaxweyne Farmaajo ku dhaleeceysay sida dowladda uu hoggaamiyo ay u maareyneyso doorashada dalka, iyadoo ugu goodisay in madaxtooyada ay ugu daada doonaan markii uu dhamaado mudo xileedkiisa.

Luul Maxamed waxay sheegtay in madaxweynuhu uusan ka soo bixi karin Villa Somalia, iyadoo arrin laga yaxyaxo ku tilmaantay in afar sano oo kale uu doonayo inuu xukunka sii joogo, isagoo cabsi darteed uga baaqanaya xafladaha lagu casuumo.

Sidoo kale waxay sheegtay inay ka mid aheyd dadkii u ololeynaayey markii la soo dooranayey Madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay howsha ololaha ka wadeen magaalada Nairobi.

“Waxaad maanta na leedahay Nairobi ayaa dalka laga duminayaa, shalay markaa ka soo kaambeyn gareyneysay, ma xaqbey aheyd? Maantana ma baadilbaa? Xilligaas waxaad noo sheegtay afar sano kadib inaad xilka dhigeyso oo Nabadoon aad noqoneyso, dhagahaaga iyo afkaagu ha is maqleen, waa ceeb in ninweyn oo la karaameeyey uu sidaan u dhaqmee,” ayey tiri Maama Luul Maxamed.

Sidoo kale waxay sheegtay in Farmaajo aysan ka yeeli-doonin inuu dalka khalalaase geliyo, haatana la marayo xilli laba guddi doorasho la iska reed dhisay.

“Madaxweyne waxaan kuu sheegayaa seddax madaxweyne ayaa laguugu garab dhisaa, wadankaan adigu ma lihid, waa lagula leeyahay, mana kaa yeeleyno waxa aad wado, anagoo dumar ah ayaan Villa Somalia kuugu soo geleynaa, cidna kama xoog badnid,” ayey yiri.

Iyadoo sii hadleysay Maama Luul Maxamed ayaa waxay tiri, “8-da Febraayo boqolaal haween iyo carruur ah anaago ah ayaan derbiyada kaaga soo dhaceynaa, iyadoo aan dhiig la daadin ayaan kaa soo saareynaa, naga xishoo fadlan… wadada aad nagu wado waa wado qaxar ah.”

Sidoo kale Luul Maxamed waxay su’aasha Madaxweynaha “Villa Somalia inta ka soo baxdo goormaa kuugu dambeysay inaad Stadum Muqdisho tagto? Kama soo bixi kartid Villa Somalia, see rabtaa marka afar sano dalkaan inaad ku xukunto.”