Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Akhbaarti Zamaanki Hore .. Halaagi Qoomki Reer Luud Ee Fawaaxishta Xun U Kala Dheereyn Jirtay

Tuesday - March 23, 2021



Qoomkii Nabi Luud oo  waxay rabeen inay caadadan xun ku tallaalaan dadka martida ah, oo cidii magaalada soo gasha kamaysan nabad gali jirin ee waa loo kala hordheerayn jiray.

Sidoo kale xaaskii Nabi Luud waxay qoomkeeda ku raacsanayd xumaanta, oo sirta Nabi Luud iyo martida u timaada ayey faafin jirtay kadibna qoomkeeda ood moodo inay sakhraameen ayaa u iman jiray guriga Nabi Luud, si loogu soo saaro raga martida ah oo ay xumaan ugu sameeyaan.

Maalintii danbe waxa magaalada soo galay sadex Nin oo qurux badan waxayna u tageen Nabi Luud si uu umarti qaado balse xishood dartii ayuu Nabi Luud (N.N.K.H) ku yiri nimankii magaaladan warkeeda ma haysaane ee iskaga baxa oo meel kale marti qaad ka dalbada, laakiin sadexdii nin way diideen inay meel kale qabtaan oo waxay ku adkaysteen inuu isagu marti qaado.

Xaaskii Nabi Luud oo ahady duq laga falay afka, ayaa warkii gaarsiisay qoomkeedii, kadibna koox ka tirsan qoomkii ayaa gurigii Nabi Luud iskugu yimid si ay ugu xad-gudbaan Sadexda Nin ee dhalinyarada ah.

Nabi Luud (N.N.K.H) waa laga awood batay, waana celin kari waayey kooxdii xumaanta waday. kadiban waxa uu ku dhahay miyaan Nin wax kala garanaya idnku jirin, waxaad wadaan waa caado xun oo caqliga dadka aan galin ee hadaad galmo dooni ula qasdiya haweenka ayagaa idiin xalaale.

Qoomkiisii oo xumaantu biyo shuabatay ayaa ka dhiidhiyey oo ku adkaystay in loo soo saaro sadexda Nin ee martida aha, markaasaa Nabi Luud ku calaacalay inaanu awood uu ku difaaco martidiisa haynin.

Markuu Nabi Luud calaacalay ayey sadexdii nin dhaheen; waxaan nahay Malaai’k, kumana soo gaarayaan ee Eebe ayaa na soo diray oo waa la halaagayaa qoomkan.

Sadexda Malak waxay ahaayeen malakul Jibriil, Miikaa’iil iyo Israafiil (N.N.K.H). Malakul Jibriil ayaa usoo baxay kooxdii xumayd, kadibana way farxeen markaasuu Malakul Jibriil mid kamida baalashiisu haleeshay qoomkii kadibna way indho beeleen dhamaantood, waxaana la dhahaa waxa la waayey indhihii oo booskii indhaha waa baaba’ay.

Markii koowaad way indho beeleen kadibna malaa’iktii waxay ku dhaheen Nabi Luud cadaabku waxa uu ku dhacayaa barrito subaxa, subaxuna waa dhow yahay .. Nabi Luud qoomkiisa cidina kamay rumaynin, marka laga reebo isaga iyo labadiisii gabdhood.

Habeenkii ayaa Nabi Luud iyo labadiisii gabdhood ka baxeen magaaladii, waxaana dareentay xaaskiisii dabadeedna waxay damacday inay raacdo Nabi Luud laakiin waxa asiibay wixii asiibay qoomkeedii.

Subaxii waxa ku dhacay cadaabkii waxaana sare loo qaaday magaaladii ayadoo dhulka laga rujiyey oo la geeyey samada, codkii iyo baroortoodii waxa maqlay malaa’iktii samada joogtay kadibna waxa lagu soo tuuray dhagxaan ay ku qorantahay magacyad mujrimiinta  (danbiile) oo mid kasta oo ka mida haleeshay.

Kadib waxa la hoos mariyey dhulka, oo waxa saro maray dhulka qaybtii hoosaysay, dabadeedna roob ayaa Eebe korka kaga keenay sidaasbaanay ku noqotay tuuladii ay daganaayeen Bad dhimatay.

Har iyo habeena waa la dul maraa, lamana garanayo in goobtaasi ahaan jirtay magaalo bari.

Sidaasbaana Ilaahay ku ciqaabay qoobkii xumaanta u ban baxay, sidoo kale Eebe waxa uu u goodiyey cid kasta oo wadoodii marta in ayana ay asiibi doonto ciqaab la mid ah.

Xaaskii Nabi Luud waxay ahayd gaalad, faafisana sirta saygeeda, waxayna raali ka ahayd waxay qoomkoodu samaynayaan laakiin sida culumadu sheegayaan ayadu maysan samayn-jirin xumaanta sababtoo ah uma cuntanto in Nabi Luud  ay xaaskiisu ahaato naag xumaanta samaysa.