Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Diyaarad Riin Ka Xumaaday ILeyn Soo Degimeyse .. Beesha Caalamka Oo Farmaajo Iyo Uus-buurtisi Is Bahaysatay Oo Toorey Sadex Gees-ley Ah Indhaha Loogu Kala Jeexay Si Ay Cagaha Dhulka Uu Dhigaan

Thursday - April 1, 2021



Inkasto Madaxweyne Farmajo u caawa shaaciyey inu shir isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada haddana xaqiiqada cawa mogdisho ka jirta ayaa waxay tahay beesha caalamka oo wada olole ay khasab isugu keenayaan madaxweynayaasha somaliya .. Beesha ayaa tiri war naga taga Irbad dun galinmeysaane, balse talo mooden askari Gorgor la adeegsado

Kulnki u safiirka dawlada sweden uu maanta la yeshay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayuu u gudbiyey inay qayb ka noqdaan kulan ay hadda beesha caalaa masuul ka tahay .. Halka Jemes Swaan u la hadlay Madaxweyne Farmajo oo ku casumay Farmajo inu ka soo qayb galo shirka shuruud la'aan dhinacyada oo dhan. 

Madaxweyne Qoor-qoor, Laftagareen iyo Cali Guud-laawe iyana khasab ayey ku noqotay iney aqbalaan kulankaas .. Wararka aan heleyno waxay sheegayan in kulanku u ka duwan yahay kulamadi hore oo beesha caalamka saameyn weyn ay ku yeelan-doonaan oo safarka dheeraaday waa la kala baxaya

Mar Walba oo New York uu ka dhaco shir looga hadlaayo arimaha Somaliya wuxuu madaxweyne Farmajo caado ka dhigtay qar iska xoor iyo kolba meel isku qaad taaso oo u isla maanta soo tuuray casumaad la soo mariyey baraha bulashada oo ku socota maamul gobolyeedada taaso ay ku barteen beesha caalamka iyo guud ahaan siyaasiyiinta Somaalidaba.

Kulanka maanta ay yeesheen golaha Amaanka wuxuu ahaa Digninti u dambeysay ee la siiyey Madaxweyne Farmajo iyo kooxdiisa ee u gashaday fikradiisa qaldan iyo gacantooda oo lagu dilo qaranimadi somaliya