Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Waqtigu Waa Is Guraya Ficil-koodana Wuu Ka Maran-yahay Qaranimo .. Shirki Madaxda Somalida Ee Afisyoone Oo Fashalkiisi Cirka Isku Shareertay

Wednesday - April 7, 2021



Shirki uga socday madaxda somalida xayndaabka afisyooni wuxuu maantana ku soo dhamaaday jawi laga wada naxay iyado Villa Somaliya, Puntland iyo Jubaland ay siyaabo kala duwan uga hadleen qaabka u maanta ku soo dhamaaday kulanki.

Villa Somaliya waxay sheegeen in shirku fashalmay, halka Puntland Iyo Jubaland ay eedeyen dusha kaga tuureen Madaxweyne Farmajo ayna sheegeen inusan fashal jirin balse dawladu waqtigeedi dhamaaday ay iyadu fashalaka dooneysay, isla markaana ay ka dhuunteen shirka oo loo fadhiyo .. Maxamed Farmajo ayaa shirka oo socda soo jeediyey in Saacad nasiino ah la qaato kadibna la isu soo laabto, laakiin kolki nasiinadi Saacada dhamaatay ayaa la ogaaday in Maxamed Farmaajo u ka baxay Afisyoone, waxaana laga war helay inu aaday Hooyigi Viilada waxaana xigay shirki jaraaiid u qabtay wasiir Dubad 

Sida la sheegay shirku jawi wanaagsan ayuu markii hore ku bilaabmay. kuligoodna wey ku qanacsanaayeen qaabka u kulanka u socday .. Qodobo badan ayaa miiska la soo dhigay si looga doodo ajeendada shir-weynaha loo balansan-yahay.. qodobadaasna waxa ka mi ahaa Amaanka doorashada, arinta gobolka Gedo, gudiga doorashada heer fedaraal iyo xubnaha musharaxiinta matalaaya shirka iyo beesha caalamka oo ka qayb galeysa furitaanka iyo xiritaanka shirka.