Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Ku Taxnow Taxanaha Akhbaarti Zamaanki .. Waa Qiso Nin Alle Kafiil Ka Dhigtay

Friday - April 30, 2021



Rasuulkeeni Nabi Maxamed (SCW) ayaa laga wariyey: in Nin reer Banii Israa’iil ah ayaa wuxuu nin isla reerkaas ah ka codsaday in uu daymiyo lacag Kun Diinaar ah .. Ninki wax la weydiistay ayaa markaasuu ku yiri: markhaantiyaal ii keen, Ninki wax doonaayey ayaa yiri: Alle ayaa markhaati ku filan, markaasuu yiri: kafiil ii keen, markaasuu ku jawaabay Alle ayaa kafiil ku filan, markaasuu ku yiri: waa runtaa, Kunkiina wuu siiyay, muddo go’anna waa u qabtay.

Ninkii wuxuu ku safray Badda, hawshiisiina waa soo gutay, ka dibna wuxuu raadshay Dooni uu soo fuulo oo waqtigii loo qabtay ku soo galo, laakiin nasiib daro ma helin Dooni u raaco, oo waa u ka walwalay ballanti watiga loogu qabtay Deyn bixinta iyo dibu dhaca yimid .. Ninki Deynta qabay oo walwalsan wuxuu soo qaatay Qori wuxuuna ka qoray gudaha, wuxuuna dhex galiyay Kun Diinaar iyo warqad isaga ka socota oo ku socota ninkii lacagta Daymiyay, ka dibna wuu daboolay, Badda ayuuna la yimid.
Wuxuu yiri: Alloow waad ogtahay in aan hebel ka daynsaday Kun Diinaar oo uu i weydiistay kafiil oo aan iri: Alle ayaa kafiil ku filan, markaasna uu kugu raalli noqday, haddana wuxuu i weydiistay markhaanti, markaasaan iri: Alle ayaa ku filan markhaanti, wuuna kugu raalli noqday.

Waxaan ku dadaalay in aan helo Dooni aan ugu diro wixii uu lahaa, mana awoodin ee Alloow adiga ayaan kugu ammaanaystay, wuxuuna ku tuuray badda ilaa ay dhexgashay, ka dibna wuu iska tagay. Intaana wuxuu sii raadinayay Doon uu ku aado ninkii baladkiisii.

Waxaa soo baxay ninkii lacgta Daymiyay, isaga oo eegaya bal in xoolihiisii u sida yimid, markaas ayuu arkay qorigii xeebta sabeynaya, markaas ayuu xaabo ahaan ugu qaatay gurigiisi, markii uu miinshaareeyay qorigi ayuu ka helay maalkii iyo warqaddii.

Muddo ka dib ayuu soo galay ninkii uu wax daymiyay, wuxuuna keenay Kunkii Diinaar, wuxuuna yiri: Wallaahi intaas waxaan ku dadaalayay in aan helo dooni aan soo raaco si aan maalkaagii kuugu keeno, mana helin Dooni ka horreeya kan aan ku imid. Markaasuu ku yiri: wax ma ii soo dhiibtay?, markaas ayuu ku yiri: Waxaan kuu sheegayaa in aanan helin Doon ka horreeya kan aan ku imid. Wuxuu yiri: Allaah ayaa kaa guday maalkii aad qoriga ku soo dirtay ee iskala noqo kunka Diinaar adiga oo hanuunsan.

Faa’iidooyinka qisada:

1. In dad saalixiin ah oo Ilaahay ka cabsada ay ku jireen ummadihii hore. Labada nin midkood dadka ayuu wax qardayn jiray isaga oo ajar Ilaahay kaga raadinaya, kalsoonida uu Alle ku qabo iyo weynaynta uu weynaynayana waxay gaarsiisay in uu Alle markhaatigiisa iyo kafiil-nimadiisa (damiin) ku qanco. Kan kalena Rabbigiis ayuu ku amaanaystay xoolihii si uu u gaarsiiyo ninkii ku lahaa.

2. In ay banaantahay in wax la daynsado .. Nabigu (scw) wuxuu yiri: Qofkii qaata dadka xoolohooda isagoo doonaya in uu iska gudo Alle ayaa ka guda, kii qaata isagoo raba inuu lunsadana Alle ayaa lumiya (talfiya).

3. In ganacsiga diintu jidaysay, ummadihii horena ay ku dhaqmi jireen iyo in ganacsiga wax loo amaahan karo qofkii u arka in uu iska gudi karo.

4. In ay bannaantahay in qofkii wax la dymiyo loo qabto muddo, ayna waajib ku tahay kan wax  deynsadana in uu muddadaas ku baxsho. Nabigu (scw) wuxuu yiri: Meermeerinta uu sameeyo qofka maalqabeenka ah waa dulmi.

7- In laga sheekeeyo waxyaabaha la yaabka leh ee ummadihii hore ka dhacay ama ku dhacay; si loogu daydo ama loogu cibro qaato.

8 -In qofka wax deynsanaaya laga dalbado markhaanti iyo kafiil soo guda haddii uu bixin waayo ama fakado.
9- Fadliga tawakulka iyo raadka uu ku leeyahay gaarista ujeeddooyinka, sida ka muuqata qisada ninkaan oo Ilaahay talada u dhiibtay, isna uu ka guday wixii lagu lahaa.