Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Akhbarti Zamaanki Hore Ee Anbiyada .. Waa Qisadi Saxaabigi Quranka Lag Xusay

Thursday - May 6, 2021



Islaamki ka hor waxaa jirtayHaweyney La Oran jiray Sucdaa Bintu Thaclaba ayaa go'aansatay iney Tolkeeda reer Banii Macan soo booqato, waxaana waqtigaas socdaalka ku wehelinayay wiilkeeda Zeyd Binu Xaaritha Al-Kacbiyi .. Hooyadi iyo Wiilkeedi Zeyd Binu Xaarith waxay socdaanba markay soo gaareen degaanki ay degganaayeen tolkeedii ayaa waxaa iyada iyo dadkii la socotayba hal mar soo weeraray fardoolaydii reer Banii Qayn, dabadeedna waxay halkaas ku billillaqaysteen dhammaan hantidii safarka ay wateen, sido kalana waxy qafaashen wiilashai oo u ku jiro Saxaabiga aan ka sheekeyneyno Zeyd Bin Xaarith oo markaas da'diisu ahayed 8 Jir
 
Zeyd Binu Xaairtha iyo wiilashii kale ee la qafaashay si loo iibsado waxaa la keenay suuqii weynaa ee la oran jiray Cukaada ee Maka ku yiil .. Naado kadib,Waxaa Zeyd Binu Xaaritha gatay nin hantiile ah kana mid ahaa madaxda Qureysh. isla markaana waxaa Edo u ahayed Khadija Bint Khuweylid .. Nikaan ganacsatada ah ee ilma badan watay, waxaa warkiisa maqashay Khadiijo weyna soo booqatay, salaan ka bacdi waxaa Khadiijo u ku yiri Eedo dhawrkaas caruur oo aan soo gatay mid ka dooro waan ku hibeynayaye .. Khaddiija Bintu Khuweylid ayaa si fiican u eegtay wiilashii, dabadeedna waxay ka dooratay Zeyd Binu Xaaritha, kadib markay ku aragtay inuu leeyahay astaamaha wanaagsan sida xilkasnimo iyo caqli qoto dheer oo ay ku tuhmaysay. 

Zeyd Binu Xaaritha wuxuu soo raacay Khaddiija Bintu Khuweylid. Maba ka soo wareegan waqtigaas wax yar jeer uu Rasuulka (scw) guursaday Khaddiija Bintu Khuweylid, waxayna haddiyad ahaan Rasuulka (scw) u siisay Zeyd Binu Xaaritha .. Zeyd oo ku soo wareegay guriga Rasuulka (scw) Wiilkii nasiibka badnaa wuxuu u soo wareegay xanaanaynta iyo la deriska suubbanaha Rasuulka (scw),

Hooyada Zeyd Binu Xaaritha labo indhood isuma aynan keenin laga soo billaabo markii la qafaashay wiilkeeda. Taas waxaa uga sii darnayd iyadoo aan nolol iyo geeri toona midna ku ogeyn Zeyd. Maadaama ay tahay hooyo wax dhashay waxay isaga jirtay welwelkaas iyo walbahaarkaas .. Dhinaca kale, Zeyd aabihiis isna dhinaciisa ayuu dadaal kaga jiray sidii ugu guuleysan lahaa wararka ku saabsan wiilkiisii la qafaashay. 

Xilli ay dadka u soo cibaado tagaan Kacbada ayaa qaar ka mid ah Zeyd tolkiisa yimaadeen guriga barakaysan ee Kacbada, iyagoo ku dawaafaya kacbada ayaa waxay si fool-ka-fool u arkeen Zeyd, durbadiiba way garteen, isna wuu gartay. Way waraysteen, isna wuu waraystay. Markii ay guteen cibaadadoodii, waxay ku laabteen magaalooyinkoodii, waxayna Xaaritha oo ahaa Zeyd aabihiis u sheegeen inay indhaha soo saareen oo ay la kulmeen Zeyd markii ay joogeen Makka. 

Oday Xaaritha Ee Wiilka Zeyd dhalay wuxuu durbadiiba diyaarsaday awrkiisii, wixii hanti ahayd ee uu qaadan-karay horey ayuu u sii qaatay sii uu wiilkiisa ugu soo furto, sidoo kale, waxaa safarka u sii raacay walaalkiis Kacab. Wey anbabaxeen oo u kicitameen xagaa iyo magaalada Maka, waxay u soo galeen Muxammad Binu Cabdullaahi (Rasuulka s.c.w) oo waqtigaas lagu soo dejin waxyiga, waxayna yraahdeen: "Ina CabdilMudhalib, waxaad tihiin Reer deris la ah kacbada, oo dadka gaajeysan quudiya iyo wixii dhibaateysan, Waxaan kuugu nimid inaad sii dayso wiilkeena kula jooga, waxaana soo qaadanay wixii hanti ah ee aan ku furanaynay wiilkeena, ee nagu galladayso oo wiilka aan ku furanno waxaad doontid oo hanti ah”. 

Rasuulka (scw) ayaa ugu jawaabay: " Waan idinkugu yeerayaa, waxaana dooransiinayaa inuu ila joogo aniga iyo inuu idinka idinla joogo, hadduu idin doorto, idinkaa wadanaya mana bixinaysaan wax hanti ah, haddiise uu i doorto waxaan tixgelinayaa doorashaddiisa”. Waxay yiraahdeen "caddaalad baad samaysay waadna ku xeel-dheeraatay caddaaladda”.

 Rasuulka (scw) wuxuu u yeeray Zeyd Binu Xaaritha, wuxuuna ku yiri "ma garanaysaa labadan nin?”. Zeyd wuxuu yiri "haa, kani waa aabahay Xaaritha Binu Shuraaxiil, ninka kalena waa adeerkay Kacab”. Wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri Zeyd "waan ku dooransiiyay inaad iyaga raacdid iyo inaad anniga ila degganaatid”. Zeyd ayaa isagoon jawaabta la dib dhicin markiiba yiri "maya, ee waxaan doonayaa inaan adiga kula degganaado”.

Aabihii ayaa wiilkiisa Zeyd ku yiri "wiilkaygiyoow ma aabahaa iyo hooyadaa ayaad ka dooranaysaa addoonsiga lagu addoonsanayo?”. Zeyd ayaa misna markale ku yiri aabihiis "ninkan anniga un baa og waxaan ku arkay, dooni maayo inaan weligeey ka tago”. .. Markii uu Rasuulka (scw) maqlay arkayna mowqifka uu qaatay Zeyd ayaa intuu labadiisii gacmood qabtay u soo waday kacbada, wuxuuna isagoo gacanta haya Zeyd koray dhagaxa (xajarul-aswadka) wuxuuna isagoo koox qureysh ka mid ah hadal u jeedinaya yiri "qureeshay waxaad ka marag noqotaan inuu Zeyd yahay wiilkayga, uuna i dhaxlayo aan isagana dhaxlayo” .. Hadalladaas waxay farxad geliyeen Xaaritha iyo walaalkiis Kacab, waxayna wiilkoodii uga tageen Muxammad Binu Cabdillaahi, iyagoo ku soo laabtay tolkooda, isla mar ahaantaana aan ka cabsi qabin aayatiinka Zeyd Binu Xaaritha. 

Wixii maalintaas ka danbeey, waxaa Zeyd loogu yeeri jiray Zeyd Binu Muxammad, magacaas ayuu lahaa jeer laga soo saaro Rasuulka (scw), waxaana waxyar kadib soo degtay aayad lagu mamnuucayo in qofka uu qaato magac ka duwan magaca waalidkiis, oo wuxuu Allaah suuradda Al-axzaab ku yiri: aayadda 5-aad "ugu yeera aabayaashood”. Wixii aayaddaas ka danbeeyay waxaa Zeyd loogu yeeri jiray magaciisii hore ee Zeyd Binu Xaaritha .. Zeyd Bin Xaarith maalintii uu sayidkiisa ka dooranayay waalidkiis dhab ahaantii ma uusan ogeyn inuu sayidka uu doortay uu yahay sayidka ugu fadliga badan inta dunida soo martay oo dhan. 

Dhacdadaas soo martay Zeyd kama soo wareegan waqti gaaban markii uu Allaah (sw) soo saaray Nabigiisa isagoo wata diintii hanuunka iyo xaqa ahayd. Haddaba, Zeyd Binu Xaaritha Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu ka mid ahaa raggii ugu horreeyay ee qaata hanuunkii iyo xaqii lagu soo saaray Rasuulka (scw). 

Sidii uu Zeyd Binu Xaaritha u jeclaaday Rasuulka (scw) oo uu isaga ka doortay waalidkiisii dhalay, ayuu misna Rasuulka (scw) dhinaciisa u jeclaa Zeyd Binu Xaaritha. Rasuulka (scw) wuxuu markasta jeclaan jiray inuu arko Zeyd. Hadduusan arag maalmo wuu u hiloobi jiray aragtidiisa, markuu arkana wuu ku farxi jiray.