Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Daalinki Ingiriiska Oo Talo Ku Cadaatay .. Boqortooyada UK Oo Markay Si Toosa Isu Dabartay Sii Burburaysa

Saturday - May 15, 2021


Muddo dheer ayay boqortooyada UK dunida haysatay ama calankeedu meel kasta 5 Qaaradood uu ka taagnaa, iminka hadii gobolka Scotland uu ka baxo , waxa bilaabmaysa in ay N-irland iyaduna madax banaani doonto, waxa ku xigi doona Canada Australia, New Zealand iyo Jazeerado kale oo badan oo hoos yimaada boqortooda ingiriiska .. Dalka UK oo uu ka koobnaa England-Scotland-Wales iyo N. Ireland waxa wada qabsatay qeybta England

Dalka ingiriiska dunida inteeda badan denbiyo waaweyn buu ka galay iyo gumeysi xun iyo dulmi badan oo ilaa iyo maanta cidina kala xisaabtamin iyo weliba ka ganacsigii dadka madaw .. welina aanu raali gelin ka bixin .. waa taariikh xun taariikhda dalka ingiriiska.

Maantase isagii baa burbur qarka u saaran, dhibaatooyinkaa dunida ka wada taagan oo dhan isagaa dhigay iyo xuduudadaa iyo dalalkaa iyo umadahaa iswada haysta .. Bal hadaba aynu eegno in boqortooyadii ingiriiska burbur ka badbaado maanta iyada oo shalay Europe ka baxday oo ay dhibaatooyin dhaqaale ku soo socdaan .. Bal aynu sugno in ay burbur hor leh ka badbaado iyo in kale.