Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Black Lives Matter .. Ma Taqaan Dalka Weli Dadka Madow Loogu Yeero Adoon?

Sunday - May 23, 2021



Iyadoo ay dunida ka socdaan dibad-baxyo kala duwan oo looga soo horjeedo midab-takoorka kaddib dilkii George Floyd hase yeeshee Suudan waxay u muuqataa iney ku taallo duni kale.

Hashatagii baraha bulshada qabsaday ee BlackLives Matter, Suudaan aad loogama hadal hayn, badalkii taasna waxay ku mashquul-sanaayeen arrin barahooda bulshada qabsatay oo ku saabsanyd midab-takoor lagula kacay cayaarhan caan ah kubadda cagta dheela oo lagu magacaabo Issam Abdulraheem, oo ah madow .. Issam ayaa waxa uu guursaday gabar carab ah oo la yiraahdo Reem Khougli, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay qoraal sidaan u dhigan: Xaqiiqatan waa xaaraam in boqorad uu guursado addoon .. Ninka sidaa yiri oo isticmaala Facebooga ayaa sidaas yiri markii uu arkay sawirka lammaanaha, laakiin layaab malahan sababtoo dadka reer Suudaan waxay isu arkaan iney Carab yihiin badalkii Afrikaanimada oo Erayga “Addoon” waxaa lagu qeexaa dadka madow.

Suudaan waxaa u badan dadka midabka furan oo ku hadla luuqadda Carabiga ah, halka daka madow ee Afrikaanka ah ee deggan koonfurta iyo galbeeddka dalka ay la kulmaan mida-takoor iyo faquuq ..Waxaa caan ka ah dalkaasi in wargeysayada lagu daabaco erayo takoor xambaarsan oo uu ka mid yahay erayga “Addoon”

Dhacdo kale oo dhacday dhowaan ayaa iyadana ku saleysnayd midabtakoor oo madaxa Ururka Udooda Xuquuqda dumarka ayaa ka falcelisay sawir muujinaya nin madow ah iyo xaskiisa oo reer Yurub ah. Waxay tiri labadaan qof waxay kala yihiin sida farqiga u dhaxeeya bini’aadan iyo daanyeer.

Suudaan midab-takoorka waxa uu ka yahay caan, xilliyadii gumeysiga iyo tan iyo markii ay xurnimadii kaaqatayba. Xitaa dowladda gudeheeda waxaa ka jira midab-takoor ba’an oo jagooyinka sar-sare waxaa ka buuxa Carabta waqooyiga dalka degta iyo qomiyadda Nubian-ka .. Dhammaan saraakisha sarsare ee milatariga waxaa haysta qowmiyadahaasi, sidoo kale waxay awood ku leeyihiin waaxda ganacsiga.

Ilaa haatan ganacsadayaashii addoomada weli waa laga ixtiraamaa Suudaan oo waxa jirta waddo ku taalla bartamaha magaalada oo lagu magacdary al-Zubair Pasha Rahma oo qarnigii 19-naad caan ku ahaa ganacsiga addoomada .. Ganacsiga addomaha waxaa meesha laga saaray 1924-kii balse go’aankaasi waxaa ka soo horjeestay hogaamiyashi Carabta ee xilligaasi waxaa ka mid ahaa Abdelrahman al-Mahdi iyo Ali al-Mirghani, oo ay dad badani aaminsan yihiin iney addoomo badan uga shaqeynayeen dhulkii ay ku lahaayeen agagaarka webiga Niil.