Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Tigreyga Oo Daran Ku Qabtay Itoobiyoo Dhan .. Cafarti Hadey Jiq Ku Tahahy .. Qoomiyada Xabashida Dabadey Rogatay .. Abiy Surin Walba Waa Ka Soo Xirmay Dhafoor Xogasho Iyo Gar La Rifaa Walasham

Wednesday - July 28, 2021



Furimaha cusub ee dagaalka Itoobiya iyo awoodda ciidan ee Tigrayg waa ay sii kordheysa oo waxay ka dagaalamayaan aagag ku beegaan degaanada dariska la ah sida gobolka Cafarta oo inteeda badan ay la wareegeen kadib marki ay rasaas kala nooca ku shaandheeyeen, sido kale shalay iyo ilaa maanta waxay soo cayrsadeen ciidamadi dawlada iyo Amxaarada oo ay ka qabsadeen goobo badan oo ku yaal gobolkaas ay Xabashida maamusho

Waxaa la xaqiijinaya in xoogaga Tigreyga ay iminka kaabiga ku hayaan caasimada Gondor kadib marki ay qabsadeen dhul badan istraatiiji ah oo ku hareersan caasiadaas Gondor .. waxaa la sheegay magalaada Waldiya in ay saaka qabsadeen ciidamada Tegreyga, waxaana si gaara loo xusay in ciidamadadi fedaralka iyo maleeshiyaadki qoomiyada xabshida ay ka carareen goobihi foronta ay ku jireen.

Dhinaca kale waxaa la sheegaya in ciidamadi degaanka somalida oo iyagana halkaas la geeyey ay iyaguna isaga soo baxeen marki goobti ay ku jireen looga cararay .. Sarkaal somali oo halkaas ka soo hadlaya ayaa Raadia Daljir u  sheegay in dhamaan xoogagi dawlada iyo Amxaarad ay isaga soo baxeen foronta Gobolka Waldiya oo imanka ay haawaneyso, halka xoogagi Tegreyga ay ku wareegsan-yihiin magaalada dibadeeda oo aysan rabin xeelad awgeed iney gudaha soo galaan.

Waxaa kalo la xusay in Maleeshiyaadki Cafarta ee laayey shacabki ku noola Gobolka Siti gaar ahaan degaanka garaba-ciise oo halkaas ay cafartu ku dileen boqolaal somali ah oo isugu jira haween iyo carur dhalaan ah .. Warka ayaa inta ku daraya in ciidamo Jigjiga ka soo gurmaday ay ka daba tageen maleeshiyaadkaas oo dagaal ka dib dhagta dhiiga loo daray.

Waxaa la sheegay Raiisal Wasaare Abiy Axmed oo talo ku cadaatay inu beryahaan dambe ku jiray xaalad dhafoor qabasho iyo gar la rifaa walasham .. xaalada ayaa jiq ku ah oo surin kasta waa ka soo xirmay .. is-oohiye Abiy Axmed dhadhamo yar oo maalin ah ayuu dhaafsaday jiritaanki iyo noloshi itoobiya oo dalki dambas ka dhigay