Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Kulanki Qarsoodiga Ee Naflacaariga Mareykanka .. CIA-da Mareykanka Oo Tiri: Seefti Mula Afaganistaan Galkey Diidantahay Sidi Loo Galin-Lahaa

Wednesday - August 25, 2021




Waragayska Washington Post ayaa qoray warbixin la xiriirta in madaxa hay’adda CIA, William Burns, uu kulan qarsoodi ah la yeeshay Mullah Cabdul Ghani Baradar,oo ah hoggaamiye ku xigeenka dhanka siyaasadda ee Ururka Taalibaan .. Kulankan wuxuu ka dhacay caasimadda Afghanistan ee Kaabul.

Sida laga soo xigtay wargayskaan laga leeyahay dalka Mareykanka, wuxuu kulankan dhacay Isniintii oo taariikhdu ku beegneyd 23-kii bishaan Agoosto, wuxuuna ahaa shir heerkiisu sarreeyo, isla markaana dhexmara xubno ka tirsan mamaulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo hoggaamiyaasha Taalibaan, tan iyo markii kooxda ay qabsatay Kabul.

Waragayska Washington Post ayaa sheegay in CIA aysan wali ka hadlin warka ku saabsan kulanka balse saraakiil magacooda qariyay ayaa qiray in kulankaas uu dhacay.

Mullah Ghani Baradar, oo la wariyay inuu la kulmay aggaasimaha CIA-da Mareykanka, ayaa ka mid ah aas-aasayaasha ururka Taalibaan, kaas oo 11-sano ka hor lagu qabtay howgal ay si wada jira ah u sameyeen CIA-da Mareykanka iyo Pakistan, wuxuuna xabsi ku jiray sideed sano.

Warkaan ayaa imaanaya xili ay socdaan dadaallo millitari iyo kuwo diblumaasiyadeed oo aan kala go’ lahayn oo ay wadaan wadamada reer galbeedka, oo garoonka diyaaradaha ee Kabul looga soo daad gureynayo dadka ka baxsanaya Taalibaan.

Taalibaan ayaa sheegtay in aysan ku dari doonin wakhtigii loo qabtay ciidamada shisheeye in ay kaga baxana dalkaas, kaas oo ku eg 31 bishaan Agoosto.

Sida laga soo xigtay wargeyska Washington Post, taariikhda la cayimay iyo isku dayga Mareykanka ee ah in laga daadgureeyo muwaadiniintiisa iyo shaqaalaha magaalada kabul, ayaa laga yaabaa in ay ahayd muhiimadda uu William Burns ula kulmay Mullah Cabdul Ghani Baradar.