Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Somali Tan Oo Kale Ma Ka Suurtogali-Kartaa .. Nin Iyo Naag Is Qaba Oo Madaxweyne Iyo Madaxweyne Ku-Xigeen Isu ah

Tuesday - December 7, 2021




ILhan Aliyev waa Madaxweynaha Dalka Azerbijaan halka xaaskiisa la yiraahdo Mehriban ay tahay Madaxweyne Ku-xigeenka Dalka Azerbijaan .. Waa Nin iyo Naag is Qaba oo Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen isu ah , Sidaas oo ay tahay shacabka Dalkaas wax dhib ah uma arkaan ,

Waxaad arkeysa mararka qaarkood iyagoo wada Qaadanaya Salaanta sharafta Calanka Marna waxay Joogaan Furinta Dagaalka oo waxay Booqdeen Ciidamada Azerbijaan ee Xoreeyey Gobolka Nagorno Karabakh 

Gabadha Mehriban oo ah Xaaska madaxweyne ILham Aliyev ahna madaxweyne ku-xigeenka Dalka Azerbijaan ayaa Sawiro barteeda facebook soo dhigtay waxaana ka dhashay Falcelin badan waxayna ku dul qortay sidan: Xoraynta dhulkeena Nafta ayaan u Hurnay, Xilalka aan hayno waan iska illownay iyo inaan Xafiisyada iska Fadhino .. Furinta hore ee Dagaalka habeeno iyo Maalmo badan ayaan ku Hoyannay si aan Ciidankeena wax ula Qabnno unna Dhiirino .

Waxay tiri: Habeenadii Aan Furinta Dagaalka joognay marka Cadowgu nagu soo Tuuraan Madaafiic Ninkayga Aliyev madaxweynaha dalkeena ayaan Gadaashiisa ku Gaban jirey, Laakiin markaan soo Xasuusto inuu yahay madaxweynihii dalka oo haduu Dhinto aniga Hortay in Cadowga Farxad iyo Guul u tahay ayaan intaan Boodo isaga Hortiisa Istaagi jirey si aan isaga Dhigo Rasaasta Cadowga.

Waxay tiri: Anigu Ma ahi Geesiyad laakiin Jacaylka Aan u Qabo Dalkan ayaa Geesiyad iga dhigay oo Cidna uma Sheegin intaan Joognay Furinta dagaalka, waayo waxayagu Istus Nagama ahayn, laakiin maanta inaan idiin sheego Xaq baad u leedihiin waayo Waajibaadkayagii waan Soo Dhamaysannay