Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Waa Markhaati Cadaan Ah .. Xildhibaan Aamino Maxamed Ibleys Baa Lagu Saladay Oo Si Waxash-nimo Ah Loo Dilay Ee Goorma Loo Aaraya Oo Warmaha La Dhiigeynaya

Wednesday - March 23, 2022




Beledweyne – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Beledweyne lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo si weyn ugu doodi jirtay cadaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil.

Waxaa la sheegay in Qof naftiisa haligay inuu isku qarxiyey Xildhibaan Aamino oo isla goobta markiiba ku geeriyootay. Waxaana gudaha magaalada goordhaw laga maqlay qaraxii 3-aad.

Qaraxa Labaad waxaa la xaqiijiyey in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay gaadiid lagu siday dhaawacyada iyo meydadka Xildhibaan Aamino iyo askarteedii.

Xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo ka mid ahaa musharaxiinta kursiga HOP#058 ayaa ka mid ahaa dadka waxaa lagu dilay qaraxa labaad, sidoo kale waxaa la xaqiijiyey dhaawaca wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

Jawiga magaalada ayaa mar qura is bedelay, waxaana shaqadi laga saaray guud ahaan korontadii magaalada, khasaaraha qaraxyadaan ayaan hadda la ogaa karin, waxaana hakad gashay doorashada kursiga HOP#011 oo xerada Lamagalaay ka socotay.

Xildhibaan Aamino oo caawa la dilay ayaa Beledweyne u tagtay inay u tartanto kursiga beesheeda oo horay ay ugu fadhisay, waxaana dilkeeda hareeyey shaki badan, maadaama ay u dakanowday kiiska Ikraan Tahliil oo si hagar la’aan ah ay ugu doodi jirtay.