Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Cidda La Saadaalinayo Iyo Rajada Sareysa Waa Saciid Deni .. Hogaamiye Waxaa Lagu Qiimeeya Waxa Uu Qabtay Iyo Balantii U Qaaday Wuxuu Ka Oofiyey

Sunday - January 7, 2024



Saciid Cabdulahi Dani, wuxuu nasiib u yeeshay inuu noqdo madaxweynihii lixaad ee Puntland hogaankeeda soo qabta .. Balanqaadkiisii wax badan baa u hir-galay, wuxuuna nasiib u yeeshay inuu Dorasho qof iyo cod ah ka hirgaliyo 33 degmo oo si degan u dhacday, soona doorteen xildhibaanadii deegaanada iyo guddoomiyaashii degmooyinkaas. 

Saciid Deni, waxaa u gacan ciidan, taakulo dhinac walba ah iyo mid siyaasadeed u fidiyey SSC-KHAATUMO oo maanta madax banaan iyo dhulkii Sanaag Bari oo si dhib yar oo dhiig ku daadan uga baxday gacantii Somaliland, doorashadana qayb ka noqotay .. Deni wuxuu dhisay oo dhameystiray wadooyinkii dayacnaa intoodii badnayd; weynayntii iyo dayactirkii dekadda iyo Erapoorka (Airport) Bosaso iyo dhamaystirka iyo taakulayntii dekedda Garacad.

Haddaba, hogaamiyaha waxaa lagu qiimeeya wuxuu qabtay iyo balantii uu qaaday wuxuu ka oofiyey ama ka fuliyey .. Dani balantiisii waxaa ugu weyneyd oo u suuragashay: waa inuu qayb-weyn ka qaatay xoreynta dhulka SSC-KHAATUM iyo Sanaag Bari iyo inuu Doorasho qabtay, waana wax weyn oo lagu dooran karo.

8-da January 2024, si ay noqon Allaa og, laakiin rajada doorasha DANI waa sareysaa, cidda la-saadaaliyana waa Saciid Cabdulaahi Dani.