Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Gargaar-kaaga Eebow Adigu Noogu Gacan Haadi .. Maxkamada Dambiyada Caalamiga Ee ICC Oo Somaliya U Soo Jawaabtay

Friday - January 12, 2024




GaldogobbTimees ayaa ogaatey in Xldhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto Gobballada Waqooyi warqad uu u qorey Madaxweynaha Maxkamadda Dambiyada Caalamiga qeybta ugu sareysa ee Maxkamadda loo soo jawaabey markii ugu horesey.

Madaxweynaha Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ayaa ku boogaadisey in Xildhibaan Xaashi in Baarlamaanka uu ansixiyo Xeerka Rome ee ICC, si Soomaaliya ugu faa’iideysato Maxkamadda.

Xeerka Rome ICC waxaa ku jira Qodobka ka hadlaya ficiladda Gardarrada kaas oo qeexaya micnaha Dambiyada Gardarrada. Soomaaliya kama mid aha ICC, iyadoo ay ICC tahey Maxkamadda kaliya ee xukunta ficiladda Gardarrada,  Dambiyadda Dagaalka, iyo Xasuuqa taas oo faa’iido u leh Soomaaliya.

Xeerka Rome waa xeer Baarlamaan una baahan Ansixin laga soo bilaabo 31-December, 2000. Hadii Baarlamaanka uu ansixiyo Waxey Soomaaliya fursad ugu heleysaa in ay ku biirto Gudiga Dambiyada Gardarrada ee Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ee ICC "the Group of Crimes of Aggression".