Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Ruushka Iyo Shiinaha Oo Diyaarinaaya Qorsho Dhaqaalle Oo Lagu Qaawinaayo Mareykanka .. Sacuudiga Oo Ku Biiray Is-Bahaysiga Lacagta BRICS Iyo Walaaca Mareykanka U Ka Qabo Lacgta BRICS

Monday - Feb 5, 2024





Dalka Saliida qaniga ku ah ee Sacuudiga ayaa si toos ah ugu biiray xullufadda Isbahaysiga BRICS ee Russia iyo China hoggaaminayaan, kaas oo ah Isbahaysi dhawrkii sannadood ee u danbeeyay qorshihiisa la waday, isla markaana wax weyn ka beddelaya dhaqaaale ahaan. Siyaasad ahaan iyo awood ahaan qaabkii dunida isugu xirnayd iyo jaan goynta hoggaaminta dunida.

 Isbaheysiga BRICS, ayaa si weyn ugu socda dedaalka la doonayo inuu noqdo mid muuqaal cusub oo dhaqaale iyo siyaasadeed ku soo dabaala aduunka, isla markaana meesha ka saara awoodda dhaqaalle iyo Millateri oo wixii ka danbeeyay burburkii quwadii Soofiyeetka sagaashanaadkii Maraykanku ku amar ku taaglaynayay aduunka, taas oo u ekaatay gumaysi iyo awood sheegasho si weyn loo dareemay, balse xilligan u muuqata mid gabaabsi ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee South Afrika Naledi Pamdor ayaa sheegtay in sanadlaha ah ee 2023, in Dalka Sacuudigu iyo Saddex dal oo  kale ballaarinta BRICS, si rasmi ah loogu daray, kuwaas oo kala ah, Riyadh, Imaraadka Carabta, Egypt iyo Ethiopia.

Dhinaca kale, Waxaa la sheegay in Lix Dal Oo Muhiimad Weyn U Leh Dhaqaalaha Aduunka Oo Lagu Casuumay Shirka Lagu Manjaxaabinyo Siyaasadda Iyo Dhaqaalaha Maraykanka

Waxa xusid muddan in Isbahaysiga oo la aasaasay 2006, ay markii hore yagleeleen Koox hoggaamiyayaal ah, kuwaas oo ahaa Afarta hoggaamiye ee dalalka Brazil, Russia, India iyo Shiinaha, waxaana la qaatay ‘Bric” oo ah xuruufta aasayaasha Isbahaysiga ee Afartaa dal, laakiin sannadkii 2010, waxa ku biirtay South Africa oo noqday dalkii ugu horeeyay ee Qaarada madaw ee Afrika ee ku biiray Isbahaysiga, taas oo yididiilo iyo rajo weyn gelisay kooxda, waxaana Isbahaysiga loo bixiyay “BRICS” iyadoo xarafka “S” ee lagu kordhiyay laga soo qaatay South Africa.

Waxa xusid muddan in kooxda Isbahaysiga BRICS, sameeyeen Bangiga Horumarinta Cusub (NDB) kaas oo noqonay Bangi horumarineed oo dhinacyo baddan leh oo ay aasaaseen Brazil, Russia, India, China iyo South Africa (BRICS) iyada oo ujeedadu tahay abaabulida agabka kaabayaasha iyo mashaariicda horumarineed ee waara ee suuqyada soo koraya iyo wadamada soo koraya (EMDCs).

 Si kastaba ha ahaatee, waxa sii kordhaya walaaca Maraykanku ka qabo lacagta BRICS, taas oo lagu tilmaamay mid haysata fursad ah in la sii daayo 2024.waxaana arrintan loo arkaa guul u soo hoyatay Shiinaha iyo Ruushka, kuwaas oo doonayay in ay dib u qaabeeyaan nidaamka caalamiga ah ee ay u arkaan in uu Maraykanku.