Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Sheeko Xikmad Leh .. Abiy Axmadow Weli Waad Hadleysa Inta Lagu Naceyna Ma Ogid .. Abiyow Weynu Is-Naqaana

Wednesday - Feb 7, 2024





Nin Reer Miya ah ayaa lahaa Hal Geella oo qura , Hashii baa rintay, hashaaso 12- bilood buu ka dhur sugaayay , sidii uu caano uga dhami lahaa .. Markii ay dhashay ee lays lahaa ad-maashiid ayaa maalmo kadib Waraabe cunay Hashii .

Habeenkii danbe ayuu ciyay Waraabihi ( uuuuuuu) oo ah "codka waraabaha" .. Ninkii Hasha uu ka cunay baa yiri: Waraabow Adna aayar baad iska uuuu leedahay inta lagu nacayna ma ogid ee Waagu markuu beryo, bal waa meesha aad gashaa, bal waa meesha aad iga gashaa.

Ninka Hasha waraabuhu ka cunay , wuxuu ahaa nin geesiya oo la wada yaqaano oo soo jireen ahaa oo guusha cidi kala tegin  .. Iminka adna Abiy Axmadow , weli waad hadlaysaa , inta lagu nacayna Ma ogid Ee Abiyow Weynu is naqaanaa