Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Guuxa Iyo Reenka Shacabka Ka baxaya Oo Dibada U Soo Baxay .. Nin Anni Uun Yaqaan Aadami Kala Tage .. Biyo Shubka waxaa Weeye Xasan Shikh Wuxuu Leeyahay Aniga Uun Baa Wax Walba Ah

Wednesday - Feb 7, 2024




Saaka waxa Jooga .. Maal-mahaan waxa igu soo dhacaya dhambaalo kooban oo sheegaya in guud ahaan meel kasta oo ay ku nool-yihiin shucuubta Sommali, iyagoo Af-kooda godob ka dhawraya si danta guud u mur-kacin ayey hadana yiraahdeen inksto dheeshi iyo dhalan-dholki foof-taga diplomaasiyadi dibada u illa xad Xasan  ku guuleystay, hadana inkasto u qoslaayo ilkaha muujinaayo, waxaa aad iyo aad looga walaacsan-yahay talo xumida ka haysata xaajada geemka socda ee la xariira Qiirada Abaabulka gudaha iyo kicinta dadweynnaha ee looga hortagaayo Damaca Itoobiya   

Waxaa soo hadal qaad mudan oo aan daah saarneyn, oo ay bulshaddu isla dhex marayaan war sheegaaya in Xasan weli ay Lug u laaban-tahay, balse inkasto la leeyahay dhaqankiisa ayaa sidaan ah: Aniga mooye cid kaloo wax garaneysa ma jirto oo teyda baa khasab ah .. haddana Warka hawada sulux-sulxleynaaya ayaa ah: hawshi xasan kaga aadaneyd midnimadi iyo wadajirki ummadda somaaliyeed waa gabay oo Xasan waxbaa si ka ah ee maxaa ka dhaba?

Bulshadu waxay tilmaamayaan in wax badan oo la rabay in gudaa laga qabto u illa hadda Xasan Shiikh shaqalka u taagaayo oo ma la garanaayo waxa u hoosta ku haysto..  Su'aalo aan jawaab loo hayen ayey shacabku meel kasta wax iska weeydinayaan oo inta badann ay leeyihiin: maxaa dhacay ee Aaway kaalinta dawlada ee abaabulki gudaha ee midnimada shacabka 

Su'aalaha la is weydiinaayo waxaa ka mida

1- Khaaiin Qaran hus mooye xishood ma yaqaan, sidaa daraadeed Iyadoo khiyaano Qaran lagu eedeynaayo hogaanki shacabki doortay la baxsaday, ku birin- birqeeyey sidi koran Ari ku buubay .. Xasan Muxuu Muuse Bixii Maxkamad U Soo saari-waayey? Muu xaajada go'a uga qaadi-waayey oo waagi beryaba sharciga dalka u yaala dacalka haysto .. la yiraahdo Keyf Yaa Mujaahid xagee kula galay jaceylki

2-  Si Midnimada loo xoojiyo, maxaa diidaya inu ciidamo difaac ku daabuulo xaggaa iyo Laascaanood oo yiraahdo midnimada qarankey difaacayaan

3- Muxuu si toosa ugu aqoonsan-waayey Gobolada Awdal Iyo Salal, isla markaana maamul ugu aqoosan waayey 

4- Muxuu u soo dhaweyn-waayey kacdoonka Beesha Garxajis, xiriirna ula sameyn-waayey

5- Muxuu xaalada lagu jiro awgeed u xulin-waayey Rag wasiira ah oo wax ku ool ah oo gudo iyo dibad ka gadmi-kara

6- Maxaa Xasan Agtiisa looga waayey cid kasta oo talo qabeen ah  sida siyaasi Ceynaashe iyo profosoor Camaare ..  Aaway Ragi waayo-araga ee itoobiya la xisaabtami jiray

7- Tala xumidda uggu weyn ee Xasan Shiikh haysa ma aha Rag yaqaan, oo wuxuu aruursada kuwa gablan ka ah dhinac kasta, amase kuwa aqoon kaligeed iska Turqan leh

8- Biyo shubku waxaa weeye xasan wuxuu leeyahay aniga uun baa wax walba ah, mana jiro cid u wax u ogyahay, laakin maskaxda ceynkaasna waxay keeni karta in Dhulkeena iyo Badeena maalin cadceedu goondaha joogto habbar-dugaag lagu casumo hilibka umadda somaliyeeed