Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

WikiLeaKs Galdogob Tiimes War Baa Ku Dhan .. Abiy Axmed Damaca Ka Dhamaan Si Laba-kacleyn Ah U Hindisaaya Inu Duufaan Qabyaaladeed Ka Dhex Abuuro Dawlada Fedaraalka Iyo Maamuulada

Friday - Feb 9, 2024




Sida caadada ah wax Ummadda Somali u kala qarsoon ma jiraan oo wax kastaba sabab ayey leeyihiin, hadaba Warar laga xigtay sarkaal sabab inaga daahson magaciisa loo qariyey, isla markaana si toosa ugu xiran Kornyl Muuse Bixii ayaa laga xigtay in dawlada itobiya ay markaan ku hawlan-tahay sidi ay u kala fogeyn lahayed amase u kala jabto Dawlada Fedaraalka .. warku wuxuu kalo intaa ku daraya in arintaa qorshaheeda loo xilsaaray guddi isku dhafa oo isugu jira sarakiil reer waqooy ah iyo niman masuuliin ka tirsan sirdoonka Dawlad itobiya oo si dhaw qaraabo xigto la ah Aabi Axmed, waxaa kalo oo shaxda ka mida ayuu yiri in la soo kireysan-doona adeegayaal " agents" horey uga tirsanaan jiray Sirdoonka Mareykanka oo hawshoodu hadda tahay Dilaal iyo iney si Farshaxan isga dhigaan kuwa matala dawlada Mareykanka 

Warkaan oo u bixiyey masuuul reer waqyi ah oo markaa warka siinaayey shakhsi u ku kalsoon-yahay ayaa carabka ku dhuftay in arintaa si loo dhaqan galiyo darteed waxa miisaaniyd ahaan loo qoondeeyey Toban milyan oo Dollar .. Sarkaalka warkaan soo dusiyey ma cadeyn qolada kharjkaas bixineysa, laakiin si dadban ayuu u sheegay in itobiyaanka ku adag-tahay wax bixinta oo waxay raban kharajka intiisa badan iney u riixaan xagaa iyo Muuse Bixii oo sidaan ognahay Afartiisa Taayar bila neef tahay xaga maaliyadana naftu ka sii khiikh leedahay .. Sarkalkaan waxaa u mar dambe sheekadiisa ku soo daray in Madaxweyne Muuse hore u deyn malaayiin ah ka qaatay Bangiga Dahab-Shiil oo ila hada deyntaas ma bixin .. Dawlada Fedaraalka marki hore Lacagaha deeqaha waxaa loo soo marin jiray Bangiga Dahab-Shiil hadase waa laga wareejiyey oo meela kale ayaa loo soo mariya ayuu yiri sarkaalku, sidaa daraadeed sidi hore ganacsigiisa uma cadcada

Sarkaalka oo mar la weydiiyey sida qorshahaas u fuli-karo, waxuu ku jawaabay in yoolka la tiigsanaayo ay ka mid yihiin  Axmed Madoobe iyo Saciid Dani oo labadaba xumad ka qaaday Xasan Shiikh .. Teeda kale wuxu yiri: Qorshaha waxaa ku jira in Abiy Axmed si beer-laxawsi ah u la doonaayo Saciid Deni inu galo tartanka oo u noqdo madaxweynaha Fedaraalak, halka Axmad Madoobe la rabo inu jiq kaga dhigo Xasan Shiikh, isla markaana maamuul gaara loo magacaabo goblka Gedo kana go'an Jubaland