Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Waa Tiraabti Xikmada Ahayed Ee Laga Guntay Raiisal Wasarihi Hore Hindiya Mr. Jawaahir Nehru .. Maandhey Qofku Waa Noolaan-kara Dhaqaale Yaraan Laakin Lama Noolaan-karo Dadki Oo Akhlaaqda Ka Tagtay

Sunday - Feb 11, 2024





Waxa laga soo weriyay in ay Andiira Gaandi ee ahayed Ra'iisal wasaarihio hindiya ee hore ay waydiisay Aabaheed Jawaahir Nahro Su'aalo Waxayna tiri:

 Aabo Dagaaladu dalalka iyo dadka maxay yeelaan ? Nehru wuxuu Gabdhiisa ugu jawaabay oo yiri:
Dhaqaalaha ayaa burbura dalka iyo dadk .

Hadana su'aal kale ayey weydiisay: oo maxay kale hadii dhaqaaluhu burburo ? .. Nehru waxuuu dhahay
Akhlaaqda ayaa burburta oo dadku bilaa akhlaaq ayay noqdaan.

 Andiira ayaa mar kale su'aal ku tiri: Maxaynu arkeynaa oo kale Aabo, hadii akhlaaqda dadka burburto? Jawaabti Aabe ayaa yiri: Maandhey, oo maxaa haray hadii ay akhlaaqda dadku burburto , oo Andiiraay maxaa ku dhigaaya Dal ay akhlaaqdii dadkiisa burburtay ?

Nehru oo hadalkiisi si wata ayaa yiri: Qofku wuu noolaan karayaa dhaqaale yaraan iyo nolosha oo ku yara adkaata, laakiin lama noolaan karaayo Dadkii oo akhlaaqdii ka tegey oo madaxdoodii noqotay, qaar aan akhlaaq lahayn , oo aan karaamo lahayn , oo faasiqiin ah oo aan kala aqoon xalaasha iyo xaaraanta , oo dhaqan-koodu iyo ficil-koodu iyo xukun-kooda dulmi iyo cadaalad daro ku salaysan yahay iyo akhlaaq xumo iyo dhaqan xumo joogto ah .

Qofku wuu u dul qaadan karayaa dhibaatooyinka nolosha, akhlaaq xumo iyo dhaqan xumo iyo dulmi iyo cadalad daro uma dul qaadan karaayo , lamana noolaan karaayo .. Qodku karaamo la'aan ,Waxa ay noqonayaan , qof aan jirin oo aan qiimo lahayn oo aan xoolaha waxba dhaamin.

Hadaba shacabka Shacabbka Somaaliyeed ilaa goorma ayay ku jirayaan akhlaaq xumadan iyo dhaqan xumo iyo dulmigan iyo cadaalad daradan?