Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

ILaahay Weyn Baa Amarkiisu Fulaya .. Dastuurki Lagu Dhisay Habaq Iyo Habqanki Jabhadeynta Oo Markaan La Qaras-bixinaayo .. Cidi Wax Ku Qabtey-ba Ha Ka Dunto

Tuesday - Feb 13, 2024




Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa guda galay wax ka beddelaka dhowr cutub oo dastuurka ka mid ah kuwaasoo isbeddel lagu sameynayo. Qodobada la soo jeediyay in wax laga badalayo dastuurka Soomaaliya waxaa ka mid ah qodobka 51-aad.

Arrimaha kale ee dooddu ka taagan tahay, baarlamaankana laga sugayo inuu go’aan ka gaaro waxaa ka mid ah jagada ra’iisul wasaaraha oo lagu wado in ay meesha ka baxdo iyo jagada madaxweyne ku xigeenka dalka oo aan hore u jirin, laakinse la filayo in isbedelka dastuurka ay la timaado.

Arrinta la xiriirta maqaamka caasimadda dalka ayaan ku jirin arrimaha uu baarlamaanku ka doodayo.Xasan Shkh

Halkii ay ka aheyd in ay leeyihiin dowlad goboleedyada Somaaliya madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ayaa soo jeedinta hadda waxaa ku jira in loo badalo hoggaamiye iyo hoggaamiye ku xigeen.

Tani waa soo jeedin, weli si rasmi ah waxba looma badalin. Baarlamaanka ayaa dood ka yeelanaya taas soconeysaa ilaa iyo 19-ka bishan Febraayo.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hore uga kala qeybsanaa wax-kabeddelka dstuurka. Waxaa jiray wewel laga qabay saameynta uu yeelanay wax-kabeddelka lagu sameynayo guud ahaan dasuurka Soomaaliya. Siyaasiyiinta qaar ayaa ka baqaya in lagu ansixiyo qaab qarda-jeex ah oo gacan-maroojis ah

Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya wuxuu soo maray heerar kala duwan. Wuxuu ka soo billowday shirkii dib-u-heshiisiinta ee Carta, Djibouti ka dhacay sanadkii 2000.

Arintu sii kastaba ha ahaate shacabkka Somaliyeed si fiicann ayey u soo dhaweyeen aragtida la xariirta wax ka badalka dasuuurkka