Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Dawlad-nimadi Somaliya Isago Loo Awood Sheegtay Agoon Rajey Ah Hiil Iyo Hoo Midna Haysan Qaar Dhan Loo Raaco Garan-weynay Waxaa Xil-Furay Erdogan .. Aad Iyo Aad Bu U Mahadsan-yahay Abtigeen Erdogan

Thursday - Feb 15, 2024




Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa 12 sano kadib maanta booqasho ku tagay caasimadda dalka Masar ee Qaahira, waana booqashadii ugu horeysay ee dalkaas uu ku tegay tan iyo markii uu qabtay xilka Madaxweynaha.

Kulan xasaasi ah oo arrimo badan ay uga wada-hadleen ayaa maanta Qaahira ku dhex-maray labada madaxweyne ee Masar iyo Turkiga, waxaana kulankaas lagu soo hadal-qaaday xiisadda Badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xogaha ayaa sheegaya in  kulankii Qaahira maanta ka dhacay in  madaxda Turkiga iyo Masar ku go’aamiyeen inay awood ciidan iyo mid diblomaasiyadeedba Itoobiya uga difaacaan madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Booqashada Erdogan ee Masar waxay noqotay safarkii ugu horeeyey ee isaga oo madaxweyne ah uu ku tegay dalkaas, maadaama ay xiisad culusi ka dhaxeysay labada dal, markii ugu dambeysay Erdogan oo Ra’iisal Wasaare ah ayaa Masar booqday bishii September ee sanadkii 2012-kii.

Xiriirka Qaahira iyo Ankara wuxuu soo maray isbedel aad u weyn 12-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaa xiriirka labada dal aad u sameeyey isbedelkii waagii Gu’ga Carabta, isagoo gaaray heer ay safaaradaha kala rartaan labada dal.