Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Faaliye Beenaale .. Oday Juxa Iyo Faaliyihi Isagu Isu Faalin Garan-waayey

Saturday - Feb 17, 2024



Waxa jirey nin faaliye ah oo dadka u faalin jirey ugana warama waxa ay la kulmi-doonaan mustaqbalka iyo aayahooda danbe , Lacag badana ayuu kaga qaadi jirey beenta uu u sheegaayo ,Isaga oo ka faa iidaysanaaya jaahil-nimadooda iyo garaad yaraan-tooda awgeed 

Maalin maalmaha ka mid ah , ayaa Juxa u yimi ninkii, waxa uu ku yiri: Gurigaagii waa la jabsadey ,waanu albaab la' yahey  wixii yaalayna waa la gurtay, oo shay lagagama tegin .

Faaliyihii intuu si degdeg ah isu taagey oo aad iyo aadna u caroodey oo samada ka qayliyey ayuu xaggii gurigiisii u dhaqaaqey, siduu u soo eego waxa gurigiisii ku dhacay .. Nin baa meel halkaas ah kala socdey faaliyaha, arimahan loo sheegayna ka maqlaayey kalana socdey .. Markaasaa waxa uu faaliyihii ku yiri : waxaad dadka u sheegta, waxa dadka ku dhici doona iyo waxa ay la kulmi doonaan , laakiin adiga waxa kugu dhici doona iyo waxaad la kulmi doontid midna kama warheysid ,waanad ogaan-weydey waxa kugu dhacay .. hadaba muxuu faalkaagu adiga wax kuugu sheegi waayey ?

Hadaba waxa jira dad (koox) ka waranta waxa ay ku sameyn doonaan cidda kale, laakiin kama war hayaan mana ka war qabaan waxa iyagu la kulmi-doonaan .

wax ma fahantay ?
Maxaad fahantay ?